|

Gurmad la,aan haysata Haweenay Xalay Danab amase Biriq ku dhaawacay gobolka Mudug & Afar Ruux oo Dhintay DHAGAYSO

Gaalkacyo 09.May 2016 (SDN/QJ):–  Deegaanka Saddex Higlo oo hoostaga Gaalkacyo ayaa xalay qoys ka kooban 5 Qof ay biriq ku dhacday abaaro 2:00 saqda dhexe kuwaas oo 4 kamid ah ay dhinteen halka haweenaydii qoyskaasi ay xaaladeeda nololeed culustahay.

 

danabbAabihii Dhalay Caruurta iyo 3 Wiil oo kale ayaa ku dhintay kadib markii Biriqdaasi ay ku dhacday guri ay deeganayaayeen.

 

Hooyadii dhashay caruurtaasi ayaa xaaladeeda cafimaad ay aad u liidataa waxaana dhawaceeda iyo maydka 4 qof lagu sidaa gacanta iyadoo loo wado meel waddo ah oo gadiidku uu gali karo.

 

Khaliif Warsame Maxamed oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay wadooyinkii inay jareen daadad xoogleh aysana jirin wax gadiid ah oo gali kara deegaanka ay yaalaan dadka maydka ah iyo kuwa dhawaca ah.

Comments are closed