|

Abdillahi Abokor iyo wax waydiin la’aanta reer Waheen

War sugan oo an ka helay ilo xogogaal ah ayaa sheegay in uu wasiirka hawlaha guud, Abdillahi Abokor, diiday in wada hadal iyo tolo balaadhan laga wadayeesho qorshaha suuqa waaheen.
Wasiirku isagoo adeegsanaaya Wareegtadii madaxweynaha wuxuu dhamaanba qorshaystay in uu Hawlaha suuqa la wareego cidna uuna kala tashan. Sidaynu hore ula soconay Wasiirku wuxuu magacow day guddi dejisay naqshada iyo qiimaynta dhismaha oo u badan wasaradda, marka laga reebo dhowr xubnood ( Eng. Abdiqadir iiman, Eng. Geedi, Eng. Saruur iyo madaxa engineering ka ee Jaamacada Hargeisa oo muhiim u ah dhanka farsamada)
Haddaba Suuqa Waaheen ee gubtay ee dib loo dhisaayo waxaa lagu cabiray 64,000 sq m, dawlada hoose waxay ku leedahay dhulkaas 15.6% inta soo hadhay oo ah 54,000sq m waxaa iska leh dadka shacab ka ah oo aan laga talagelin ilaa hadda.
Hawlaha guud dhulkaas waxba kuma laha.
Sida xogtu ay sheegtay Wasiir Abdillahi Abokor wuxuu si jujuuba u doonayaa isagoo wareegtada Madaxweynaha adeegsanayaa in uu gacanta ku dhigo taladda suuqa waaheen dhamaan hadday noqoto:
1. Naqsadaynta
2. Qorshaynta iyo
3. Dhismaha dhamaan goobta (64,000sqm).
Wasiirku wuxuu magacawday guddi uu ku magacabay gudiga farsamada oo ka kooban 12 xubnood oo ay Dawladda hoose ee Hargeysa hal xubbin ka tahay.
Intii Mayor Abdikarim A, Mooge ku maqnaa Nairobi, Wasiir Abdillahi wuxuu iska sii watay hawlahiisa abaabulks, waxaa kale oo aynu la soconay in uu awood iyo xoog ciidan meel aan albaab ahayn nin ganacsade ah qaysab ugu baneeyey xayndaabka Tiyaarta ka Hargeysa xalay saqdii dhexe taas oo iyana isha lagu hayo waxa uu Duqa magaaladu ka yeelo markuu soo noqo.
Nuxurka qoraalku wuxuu yahay marka laga tago 10,000sqm ee dawlada choose leedahay ee dib loodhisaayo, dhismayaasha gaarka loo leeyahay ee aan weli laga talogelin dadkii lahaa, Wasiirku ma iska qorshayn karaa oo dhismahoodana ma iska dhisikaraa?
Haddii Madaxweyna iyo adeegahiisa Abdillahi Abokor xoog ku muquuniyaan dawlada hoose, dadkii shacabka ahaa ma muquunin karaan la tashi la’aan?
Mise mar haddii dhaqaalaha gacanta lagu dhigo cid wax laga waydiinayaa ma jirto?
Ogow:
XEER 17/2001 wuxuu kala xadeynayaa Wasaarada Howlaha Guud iyo Dowladaha Hoose. Xeerarka kale ee khuseeya waxay kala yihiin
Xeer 23/2019
Xeer 71/2015.

 

BY Mohamoud AW Hassan Arrale

Comments are closed