|

Wasiir Cabdilaahi Obokor oo dib u soo nooleeeyay khilaafkii Tiyatarka Hargeysa

Hargeysa (QJ) – Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa dib u soo nooleeyay xiisadii dhuleed ee ka taagneyd Tiyaatarka Hargeysa.

Tiyaatarka Hargeysa ayaa mudo iminka laga joogo 12 sanadood ka hor waxa iibsaday Ganacsade Cumar Ceydiid oo dib u dhis balaaran ku sameeyay.

Ganacsadha ayaa tiroba dhawr jeer waxa lagu soo weeraray goobtiisaa ganacsi, waxaana iminka dib u soo noolaaday khilaaf la xiriira goob wado ah oo marta tiyaatarka.

Mulkiilaha goob shidaal oo jaar la ah Tiyaatarka Hargeysa ayaa iminka doonaya in uu dhisto wado u dhexeysa labada goobood, waxaana khilaafka qeyb ka ah wasiirka Hawlaha guud Abdilaahi Abokor.

Ganacsade Maxamed Axmed Maxamed Dheereeye oo kaa shanaya wasiirka oo ay isku heyb yihiin ayaa doonaya in ay muquuniyaan ganacsade Ceydiid.

Khilaafkan soo cusboonaaday ayaa todobaadkan sababi gaaray in iska hormiaad hubeysani uu halkaa ka dhaco.

Halka hoose ka akhriso qoraalo wargelin iyo cabasho isugu jira oo ay dhinacyadu is weydaarsadeen.

 

 

Comments are closed