|

Afar Sano Kadib Waxaa Maanta Xayiraadii Laga Qaaday Wargayska Haatuf oo Ka Soo Bixi Jiray Caasimadda Hargaysa DAAWO

Hargaysa 08.July 2018 (SDN/QJ):-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex amar ay dhawaan soo saartay waxa ay xayiraadii saarnayd kaga qaaday, ruqsadii soo bixitaankana usoo celisay Wargeyska Haatuf ee luuqada Afsoomaaliga ku soo bixi jiray, iyadoo uu qoraalka amarka maxkamaddu uu gacantayada soo galay maanta oo Axad ah (8 July 2018).

Sida la ogsoon yahay xukuumadda Somaliland ayaa 7/4/2014 albaabada u laabtay xaruntii shirkadda Haatuf Media Network ee soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyadoo xoog ciidan kula wareegtay xafiisyadii, agabkii iyo qalabkii xaruntaasi yaalayba.

Comments are closed