|

Haweenay Xildhibaanad ah oo Caado Ka Dhigatay In Ilmaha Ay Dhashay Ku Dhax Nuujiso Naaska Fadhiyada Baarlamaanka SAWIRO

Australia 25. June 2017 (SDN/QJ):- Larissa Waters oo 40 sano jir ah ayaa ka yaabsatay shacab weynaha Caalamka gaar ahaan shacabka reer Australia ka dib markii ay Baarlamaanka dalkaas la soo dhex gashay iyada oo xambaarsan saqiir yar oo ay dhashay .

 

Haweeneydaan oo inta badan u dooda xuquuqda caruurta iyo waalidiinta ayaa waxeey shacbiyad badan ku heshay , ka dib markii ay Baarlamaanka Australia gudihiisa naas ku siisay gabar yar oo ay dhashay taas oo lagu magacaabo (Alia) .

 

Larissa Waters ayaa maalmahaan dambe waxeey caado ka dhigatay iyada oo xambaarsan gabadheeda Alia taas oo dad badan ka yaabsatay , waxaa wali la la´yahay sharci ahaan si looga mabnuuco falkaan cusub maadaama Baarlamaanka dalka Australia uu yahay mid aan diideyn in caruur lagu dhax nuujiyo.

Comments are closed