|

Agaasimeyaal ka tirsan Wasaarada warfaafinta oo Been abuur ku tilmaamay inay Is-casilayaan

Hargeysa August 01.2012(SDN)- Afar Agaasime waaxeed oo tirsan wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta ayaa beeniyay gaashaanka ku dhuftay war sheegayay inay is casilayaan oo uu baahiyay wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, waxaanay u soo jeediyeen  wargeyskaasi inaanu salaan uga dhigan haddii ay cid is hayaan.

Agaasimeyaashaasi waxay Sidaas  ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta duhurkii  ku qabteen xarunta wargeyska DAWAN, waxaanay sheegeen inay la shaqaynayaan wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Md. Boobe Yuusuf Ducaale.

Guddoomiyaha DAWAN Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay la yaabeen warka sheegaya inay is casilayaan waxaanu arrintaasi ku sifeeyay been abuur aan geedna loogu soo gaban, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi  “Saaka  oo Salaasa ah oo taariikhdu tahay 31-ka Bisha July waxa Wargeyska Haatuf cadadkiisii maanta (Shalay) ee 1433 ku soo baxay war sheegaya inay is casilayaan afar agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaarada warfaafinta.

Agaasimeyaashaasi  oo kala ah Anigoo ah Guddoomiyaha DAWAN Media Group, Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul, Agaasimaha Farsamada Axmed Saleebaan Weyne, Wakiilka TV-ga Qaranka ee Yurub Khadar Xasan Cali Gaas inkasta oo magaciisa la khalday oo lagu qoray nin Weriye ah oo TV-ga ka shaqeeya oo la yidhaahdo Cabdilaahi Maxamed Cali oo shalay uun dalka yimid. Warka caynkaas ah ayaa ku soo baxay wargeyska Haatuf, runtii arrintaasi waxay nagu noqotay mid aad u yaab badan. Waayo ma jirto meel aanu ku qabanay, mana jirto meel aanu ku nidhi waanu is casilaynaa, mana jirto cid aanu u sheegnay oo aanu ku nidhi shaqo ayaanu ka tagaynaa. Waa gef cad oo anaga nalaga galay iyo gef laga galay shaqada aanu qaranka u haynay.”

“Warkan been abuurka ah waanu ka raali-gelinaynaa Wasiirka warfaafinta waxaanan leenahay warkani ma aha mid anaga nalaga soo xigtay. Waana war been abuur ah oo aanay waxba ka jirin. Waxa la odhan jiray labaatan jir Mudug jooga ALLE uma xil qarin, waxaan leeyahay wasaarada warfaafinta qof ka shaqaynaya ALLE uma xil qarin oo waxeenii oo dhan waxa lagu hayaa suuqa.sabab aanu isu casilaa ma jirto shaqada qaranka maalinta naloo garan waayana waa meesheeda,”ayuu yidhi  Guddoomiyaha DAWAN.

Maxamed Cismaan Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Arrintaas iyada ah aad baanu uga xun nahay, wargeyskana waxaanu kula tallin lahayn inaanu  anaga (Agaasimeyaasha waaxaha) salaam nooga dhigan haddii ay cid is hayaan, waayo ma jirto cid aanu u sheegnay waanu is casilaynaa oo nalaga soo xigtay.Agaasimeyaashii waa kuwan halkan wada fadhiya markii aanu is waraysanay ee arrintii aanu  dhinac walba ka eegnay waxay noogu muuqatay waxaan meesha qaban inay tahay.”

“Waxaanu halkan ka caddaynaynaa inaanay jirin shaqo aanu iska casilayno iyo war aanu bixinay iyo hanta dhawr aanu ognahay oo la is hortaagay midna ma jiro,”ayuu yidhi Guddoomiyaha DAWAN media Group.

Agaasimaha waaxda Farsamada ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Saleebaan Weyne oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa war been abuur ah oo la soo dhoodhoobay ku tilmaamay warka wargeyska Haatuf, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi  “Warkan sheegaya inaanu is casilayno waa war been abuur ah oo ku tidhi ku teen ah, mana jirto anagana nalagama soo xigan. Waxaanu u aragnaa in naloo badheedhay oo sharaftayadii iyo cirdigayagiiba wax loo dhimay.waxaan leeyahay Haatuf iyo wargeysyada kaleba ka waantooba wararka aan sugnayn ee been abuurka ah.”

“Ha’yada Hanti-dhawrku waa  Ha’yad dawli ah waanu soo dhawaynaynaa haddii aanu nahay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta. Ta labaad anagu ma lihin awood aanu ku dalbano in Hanti dhawr  la geliyo Wasaarada warfaafinta,”ayuu yidhi Agaasimaha Farsamaddu.

Wakiilka  TV-ga Qaranka ee Yurub Khadar Xasan Cali Gaas, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay  inay la yaabeen warka sheegaya inay is casilayaan markii ay ku arkeen warka koowaad ee wargeyska Haatuf.

“Waxaanu ka hortagayno oo aanu diidan nanayna ma jirto, waxa warka Haatuf khaladkiisa ku tusaysa magacaygii waa la khalday oo nin weriye ah oo Cabdilaahi la yidhaahdo ayaa lagu qoray agaasimaha TV-ga qaranka ee Yurub. Ma jirto meel aanu ku shirnay oo aanu ku go’aansanay inaanu is casilno. Waxa kale oo aan halkan ka cadaynaynaa inaanaan lahayn awood aanu hanta dhawr wasaarada ugu yeedhno, waxase aanu ku khasban nahay in Ha’yad kasta oo dawliya oo timaada la shaqayno,”ayuu yidhi Khadar Xasan Cali.

Agaasimaha Telefishanka qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id waxa uu sheegay inay nidar ku marayaan inay u adeegayaan bulshada iyo shaqada qaranka, waxaanu waxba kama jiraan ku sifeeyay warka sheegaya inay is casilayaan.

“Anigu waxaanu leenahay wasaarada warfaafinta iyo qaranka dhismihiisaba anagu diyaar ayaanu u nahay waana aanu ugu adeegaynaa wixii xirfadayada iyo aqoontayada ah. Waxaanu diyaar u nahay inaanu la shaqayno wasiirka wasaarada warfaafinta oo aanu u noqono baalashiisii. Anagu warkan maanu bixin nalagamana soo xigan. Warkani waa been abuur iyo malo-awaal,”ayuu yidhi Agaasimaha Telefishanka qaranku.

Mr. Dhuxul wuxuu intaasi ku daray “Anagu halkaa ay leeyihiin waxay nidar ku galeen inay shaqada iska casilaan waxaanu nidar ku maraynaa inaanu shaqada qaranka wadno oo u adeegno. Mana jirto cid aanu uga tagayno iyo cid aanu uga cadhoonaynaaba. Laakiin wixii shaqada xumaynaya waanu ka soo horjeednaa ee cashuurta islaamaha laga soo ururiyay ee dhiiga ummadda ah cunaya.”

Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Comments are closed