|

Ahlu Sunna gobalada dhexe oo shacabka ugu baaqday inay ka shaqeeyaan Ammaanka

Dhuusamareeb Dec 31 2012 (SDN)— Ururka Ahlusuna ee Gobalada Dhexe dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Gobaladaasi inay ka shaqeeyaan sugidda dhanka ammaanka deeganadaasi.

Sheekh Axmed Guureeye Guddoomiyaha guud ee Ururka Ahlusuna Gobalada dhexe dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in qorshaha dhanka ammaanka ee Gobalada dhexe ee dalka Soomaliya uu yahay mid ballaaran.

Wuxuu sheegay in Ahlusuna kaligeed aysan sugi karin ammaanka balse loo baahan yahay inay shacabka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Gobalada ay maamulaan Ururka Ahlusuna.

Hadalkiisa ayuu intaasi raacsaday in hada deegaanada qaar oo ka tirsan Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya ammaanka uu yahay mid wanaagsan islamarkaana taasi ay ku timid wadajirka shacabka iyo maamulka.

Ahlusuna Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa deeganada ay ku sugan yihiin xilligaan waxaa ka jira isbedelo dhanka ammaanka ah iyadoo aysan jirin qalalaaso inta badan halkaasi ka dhaca.

SDN-Dhuusamareeb

Comments are closed