|

IFJ oo shaaca ka qaatay Sababaha ka danbeeya dilalka saxafiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho Dec 31 2012 (SDN)— Ururka u dooda xaquuqda saxafiyiinta caalamka oo la yiraahdo International Federation of Journalists (IFJ) ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa marka loo eego saxaafada kala duwan ee ka howlgala warbaahinta,waxa ayna sheegeen in warbixinta ay ku hayaan sanadkaan kaliya in la dilay 121 saxafi oo dunida dacaladeeda ku kala nool oo weeraro kala duwan ay ku dhinteen.

Ururkaan caalamiga ee u dooda saxafiyiinta caalamka ee loo soo gaabiyo (IFJ) ayaa arintaan dilalka ah inkastoo ay qornaayeen hadana eedeynta waxa ay dusha kaga tuureen dowladaha lagu dilay saxafiyiinta iyo Qaramada Midoobay oo xil buuxa iska saari waayay dhowrista waajibaadka saxafiiyinta ay ku leeyihiin dowlada iyo waliba maamulada kale ee goobaha lagu dilay xakuma.

Sii socoshada geerida saxafiyiinta caalamka ee 2012 waa arin murogo leh,laakiin arintaasi waxaa xil iska saari waayay in laga hortago xadgudubyada saxafiyiinta kuna guuldareystay ilaalinta xaquuqdooda dowladahooda,sidaasi waxaa sheegay madaxa Ururkaan (IFJ) Jim Boumelha.

Layaab malahan cir isku shareerida tirada saxafiiyinta dhimatay sanadkaan,waxa ay noqotay maqaal dadka ay maanka ku hayaan qarnayadii la soo dhaafay,marka loo eego jawaabaha ay bixinayaan dowladaha iyo qaramada Midoobay oo hadalkooda ku soo koobay kaliya erayo kooban oo canbaareyn ah.

Marka loo eego warbixinta ka soo baxday maanta ururka caalamiga ah ee u dooda xaquuqda saxafiyiinta caalamka Jim Boumelha ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta geeriyootay ay u geeriyoodeen siyaabooyin kala duwan,oo lagu sheegay in qaarkood ay u geeriyoodeen xanuuno haleelay iyo weeraro lala bartilmaameedsaday.

Waxa ayna warbixinta intaasi ay ku dareysaa in wadanka siiriya uu yahay wadanka saxafiyiinta ugu dhimashada badan caalamka gaar ahaan wadamada dhibaatada ay ka taagan tahay,iyadoo soomaaliyana la sheegay in kaalinta sedexaad ka gashay goobaha saxafiyiinta xadgudubyada loogu geysto.

SDN-Muqdisho

Comments are closed