Hargeysa:Dec,09,2014(SDN/QJ)-Waxa si weyn loo hadal hayaa dhibkii shalay ka dhacay Xarunta Guddida Doorashoyinka qaranka, kadib doorashadii lagu doortay Hoggaanka sare Ee Xubnahaasi Yeelan doonaan.
Dhacdadaas shalay oo lagu cumaamaday Hoggaanka Komishanka, ayaa waxa si weyn uga Biyo diiday Xisbiyada Mucaaridka, kuwaas oo saluugay Hannaankii ay xubnahoodii loogu diiday inay kamid noqdaan Hogaanka komishanka.
Hogaanka Komishanka, ayaa waxa shalay loo doortay xubno ay soo kala magacaabeen Madaxtooyada iyo Guurtida oo ay gacan-saar leeyihiin, waxana ay taasi keengtay in hoggaanka Mucaaridka oo halkaas joogay ay mudaharaad xoogan ka muujiyaan sida wax u dhaceen, waxana soo baxaya xogo ku saabsan meesha laga soo abaabulay dabinadaas shalay lala helay Mucaaridka.
Xogaha ay hayso Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in Madaxtooyadu soo abaabushay khiddada ama khariiradda doorashadaasi u dhacday, isla-markaana ay soo dejisay habka doorashadaasi u dhacday oo ka duwan dhammaan hannaankii hore loogu dooran jirey Komishankii ka horreeyey.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in Wasiirka Madaxtooyadu ka dambeeyey siyaasadda ah in hoggaanka Komishanka laga ilaaliyo mucaaridka, waxana uu shirar hoose muddo la lahaa xubnaha madaxtoyada iyo Guurtidu soo cumaadeen oo ah kuwa tiro ahaan ugu badan.
Wasiir Xirsi ayaa la sheegayaa inuu khadka Telefoonka muddo badan kula hadlayey Masuuliyiinta shalay la doortay iyo kuwa kale ee Goobaha isku midka ah laga soo doortay, waxana uu ku adkeeyey in codka la siiyo oo la taageero xubnahan shalay la doortay.
Xogaha nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in Xubintii shalay Hogaanka loo doortay oo ah Eng. Kasoo jeeda Deegaanka Gobolka Hawd uu u qoondeeyey in hoggaanka loo doorto, taas oo uu wasiir Xirsi uga jeeday inuu ku raalligeliyo Beeshaas oo dhawaanahan aanu xidhiidhkoodu fiicnayn.
Madaxtooyada, ayaa si hoose u wadday khiddada ah in Guddoomiyaha Komishanka la siiyo Beesha Gobolka Hawd, maadaama madaxtooyadu doonayso in codka Beesha ay jeebka ku shubato.
Wasiir Xirsi ayaa xod-xodasho badan ku haya Beesha Gobolka Hawd, waxana uu hore ugu ballanqaaday inuu la baadi doono xilka Komishanka ugu sarreeya oo uu haatan u dhiibay, taas oo keentay saluugga mucaaridka kadib markii hoggaankii ay la wareegeen xubnihii Madaxtooyada iyo Guurtidu.
Khiddadii uu wasiir xirsi soo dejiyey ayaa si rasmi ah u shaqaysay, waxana meel martay taladii qolka madaw lagu soo gaadhay ee la doonayey in cid gaar ah lagu raalligeliyo.
Haatan waxa la sugayaa in xubnaha Komsihanku ay dib iskugu noqdaan, isla-markaana wanaajiyaan oo toosiyaan waxyaabaha foolxumada ku ah ee lagu ibofuray shaqada adag ee laga sugayo.
SDN/QJ
