|

Al Shabaab oo ka hortimi heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Muqdisho February 22, 2024 (QJ) -Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa war kasoo saaray heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga, isagoo sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan heshiiskaasi.
Sheekh Cali Dheere ayaa xusay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi aysan ku kala aragti duwaneyn qaabka ay wax u wadaan, maadaama labada dowladood ee Turkiga iyo Itoobiya ay siiyeen maamulka badda Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Turkiga uu horay u qabsaday qeybo badan oo ka mid ah dalka sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray in Turkiga uu kali ku noqday ganacsigii Muqdisho, isla markaana uu qoray ciidamo iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo taageeraya danaha uu ka leeyahay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab ayaa ku adkeystay inaysan aqbali doonin joogitaanka Turkiga ee biyaha Soomaaliya, isagoo ku faanay inay kooxdu iska caabin karto damaca Itoobiya ee ah inay gacanta ku dhigto qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Comments are closed