|

Jabuuti iyo Turkiga oo heshiis kala sexeexday

Ankara February 22, 2024 (QJ) -Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiisyo kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xili uu sii kordhayso saameynta Turkiga uu ku leeyahay dalalka Geeska Afrika.
Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, ayaa wada-hadallo ballaaran ku yeeshay magaalada Ankara, iyagoo ka wada-hadlay iskaashiga difaaca iyo arrimo kale.

Labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah iyo is-afgarad, oo ay ku jiraan heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah iyo heshiis iskaashi maaliyadeed.

Labada wasiir ee gaashaandhigga Turkiga iyo Jabuuti ayaa saxiixa ka dib sheegay in heshiiskan uu wax weyn ka tari doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo laga duulayo heshiisyada ay dhawaan kala saxiixdeen.

Heshiiska Turkiga iyo Jabuuti ayaa yimid kadib markii labada gole ee dowladda Federaalka ay ansixiyeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo maaliyadda ah oo ay la galeen Turkiga, iyadoo dowladda Turkiga ay taageereyso dadaallada lagu difaacayo badda Soomaaliya.

Comments are closed