|

Al Shabaab oo lagu eedeeyay isku dirka beelo dagaalamay

Beledweyne January 30, 2024 (QJ) -Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore, ayaa sheegay in dagaal beeleed uu ka socdo xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, uu u dhexeeyo beelo wada dega deegaanka Iji.

Wuxuu soo hadal qaaday in colaada beelahaas ay ka faa’ideysanayaan kooxda Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in beelaha walaalaha ah ee xurguftu u dhaxeyso ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaab.

Wasiir Kaaroore ayaa sidoo kale tilmaamay in hadafka koowaad ee Al-Shabaab uu yahay in bulshada dhexdeeda ay ka dhex abuuraan kala qeybsanaan iyo in ay danahooda uga faa’ideystaan.

Waxa uu ku booriyay beelaha dirirtu dhexmartay in ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in ay socdaan dadaalo dib u heshiisiineed, isagoo xusay in ay socdaan wada tashiyo ay ka qeyb qaadanayaan odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah si xal nabadeed looga gaaro dagaal beeleedyada ka taagan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Comments are closed