|

Dagaalyahan reer Lebanon ah oo Soomaaliya lagu dilay

Gaalkacayo January 30, 2024 (QJ) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in weerar qorsheysan oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo xulafada caalamiga ah lagu dilay maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Jeex-jeex, ayaa waxaa lagu dilay Sarkaal sare oo Ajaanib ahaa oo ka tirsanaa Hoggaanka Al-Shabaab.

Taliska ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen ay ka mid yihiin dilka taliye ajnabiga ahaa ee u dhashay dalka Lubnaan.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay dadaallada ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee mas’uulka ka ah qalalaasaha iyo xasillooni darrada ka jirta gobolka.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii afaraad oo muddo ka yar labo toddobaad gudahood lagu qaado goobaha istiraatiijiga ah ee ay maamusho Al-Shabaab.

Comments are closed