|

Al Shabaab oo markale weerartay Lamu

Lamu November 27, 2023 (QJ)-Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in weeraro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay ay ka fuliyeen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaano ay ka mid yihiin Marafa iyo Poromoko oo ku dhow magaalada Lamu. Weerarada ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal qof oo rayid ah iyo burburint 10 guri.

Ciidamada booliiska Kenya oo ay ku jiraan cutubyo gaar ah ayaa weerarradan kaga jawaabay howlgalo xooggan. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka aysan weli ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Weerarkan u dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay yaraadeen weerarada Al Shabaab, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay wadeen howlgallo kala duwan oo ka dhan ah argagixisada.

Comments are closed