|

Siciid Deni oo gudi dhedhexaadin ah u magacaabay muranka doorashooyinka

Garoowe November 27, 2023 (QJ)-Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii ugu horeysay magacaabay guddi ka shaqeeya arrimaha khilaafka doorashada Puntland.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu shaaciyay Magacaabista Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo dowladda u matali doona wada xaajoodka doorashada lagu muransan yahay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu guddigan u magacaabay markii uu u kuur-galay “baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu ka socdo diyaar garowga doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee lagu muransan yahay.

Mucaaradka ayaa horey u diiday inuu wadahadal la galo Deni, iyagoo sheegay inuusan waligiis muujin inuu diyaar u yahay wadahadal. Waxaa socda dadaallo lagu dhiirigelinayo wadahadal dhexmara dhinacyada is haya, iyadoo la doonayo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka la xiriira doorashada.

Comments are closed