|

Al Shabaab oo qarax ku weeraray Degmad Balcad

Balcad April 07, 2024 (QJ) -Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo maanta, kaasi oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Balcad ee maamulka Hirshabeelle.

Qaraxan oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Balcad ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana kadib halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo koox hubeysan.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu bartilmaameedsaday koontaroolo iyo xafiisyo ku yaalla degmada Balcad, waxaana ka dhashay burbur xooggan, sida ay muujinayaan sawirada laga soo qaaday goobta.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday goor hore oo maanta ah, islamarkaana uu ka halkaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Guddoomiye Qaasim Furdug ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen 11 dagaalyahan, kuwo kalena ay ku dhaawaceen, isagoo sidoo kale xusay in qaraxaas uu burbur xooggan u geystay guryo iyo dhismayaal kale.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa Bisha Ramadaan kordhisay Weerarada ay la beegsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Leave a Reply