|

RW Xamse oo u tacsiyadeeyay Safiirka Turkiga

Muqdisho April 06, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş. Waxa ay ka wadahadleen kor u qaadida xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Safiirka Turkiga uga tacsiyeeyay dhacdadii naxdinta lahayd ee dhawaan lagu dilay muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo ay kooxaha mayalka adagi ku dileen xilli uu ka qeyb galayay qeybinta gargaar bini’aadantinimo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale, Danjire Alper Aktaş ayaa sheegay inay ka go’an tahay Turkiga inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku nuux-nuux saday in falalkan foosha xun aysan joojin doonin taageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dhacdadani aysan saameyn ku yeelan doonin dadaalkooda taageero.

Leave a Reply