|

Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xabsiga Godka Jilacoow ee Muqdisho

gubasho

Moqdisho  31/8/2014 (SDN/QJ)Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerar lagu qaaday xarunta Nabadsugida ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Godka Jilicoow oo ku taalo Degmada Boondheere.

Wararka ayaa sheegaya in qarax xoogan uu weerarku ku billowday, kaasoo ka dhacay bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan oo u dhexeysay ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo xoogggii weerarka qaaday.

Saldhiggan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka ah ee ay nabadsugidda Somalia ku leeyihiin Muqdisho, halkaasoo ay ku xidhan yihiin boqolaal ruux oo loo haysto dambiyo kala duwan.

Wararka qaarood ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, halkaasoo uu is-rasaaseyn ku dhex-marayso ciidanka nabadsugidda iyo xoogagga hubeysan.

Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha xaruntaas oo aan ka

Comments are closed