|

Algeria oo Soomaaliya 2-0 ugu quusgoysay

Algiers April 30, 2023 (QJ) – Maanta waxaa fooda is daray Xulalka 17-jirada Soomaaliya iyo Algeria ciyaartii ugu horeysay ee tartanka qaramada Afrika oo lagu qabtay dalka Algeria.

Xulka qaranka Algeria ayaa guul ka gaaray ciyaarta kadib markii ay labo gool ka dhaliyeen Soomaaliya.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka Nelson Mandela ee magaalada Algiers, inkastoo Soomaaliya ay si wanaagsan u dagaalantay haddana uma suuragelin inay wax gool ah iska dhaliyaan.

Ciyaartoyda sida wanaagsan u soo bandhigay Soomaaliya ayaa kala ahaa Cabdi Aasiya Baxuur, Cabdulqaadir Marshaale, iyo Juuma.

Inkastoo ay iska qasaariyeen fursado badan oo goolal lagu dhalin karay, hadana Soomaaliya waxa ay ciyaarta kusoo bandhigtay awood badan.

Algeria waxay leedahay taariikh dheer oo ku saabsan guulaha kubada cagta, waxayna soo saareen ciyaartoy badan oo xirfad leh, kuwaas oo caan ka ah adduunka. Soomaaliya ayaa laba kulan oo kale ciyaari doonta tartanka, hadii ay awoodaan in ay horumariyaan qaab ciyaareedkooda waxaa laga yaabaa in ay fursad u helaan in ay guul ka gaaraan xulka Congo kulankooda soo socda ee Talaadada.

Comments are closed