|

Amaanka Somaliland oo La Xoojiyey Xili ay Sadex Cisho inaga Xigto Maalinta Codbixinta Doorashadda & Dad loo qabtay arrimo ka dhan ah Nabada Somaliland!!

Hargaysa 09 November  2017 (SDN/QJ):- Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay amniga guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka iyo kadinada laga soo galo.

Ammaanka ayaa la xoojiyay iyadoo ay maalmo koobani ka hadheen doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shacabku u dareeri doono Isniinta 13 November, waxaana fiidkii magaalooyinka gaaf wareega ciidamo Boolis ah oo koox koox u socda.

 

Geesta kale, ciidamada ammaanka ayaa toddobaadkan magaalada Hargeysa ka qabtay dad  lagu tuhmay arrimo ka dhan ah amniga guud ee qaranka. Inkastoo aanay ciidamada ammaanku weli wax war ah ka soo saarin dadkaas, haddana waxa la sheegay inay baadhis ku hayaan dadkaas la soo qabqabtay.

Comments are closed