Marka:Oct,23,2014(SDN/QJ)-Shacabka deggen magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xaqiijinaya in ciidamda AMISOM, ayaa halkaas ku dileen Odayaal da’ ahaa deegaanka ku noolaa.
Wararku waxa ay Tibaaxayaan in saddex Oday ay ku dhinteen Afar kalena ay u geysteen dhaawac kadib markii si kam ah ay rasaas ooda uga qaadeen.
Dilka Odayaasha ayaa waxa uu yimid kadib markii la weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM xili ay marayeen Xaafadaha Ruusiya iyo Bayturaas.
Goobjoogiyaal ayaa xaqiijiyay Dhacdadan, waxaana ay intaasi ku dareen in Bambaanooyin lagu weeraray AMISOM dhowr Goobood oo kamid ah Magaalada Marko, iyadoo Weeraradaasi kadib ay Ciidamada galeen Gurayaha oo ay toogteen dad Rayid ah oo Odayaasha Deegaanka kamid ahaa.
Dowlada federaalka iyo Saraakiisha Dowlada weli kama aanay hadlin xasuuqa loo geystay Odayaasha iyo dadka shacabka ahaa, waxana la sugayaa jawaabta ay ka Bixiyaan dhacdadan.
Arrintaani ayaa waxa ay imaneysaa xili ay Madaxda DF Somalia aanay laheyn awood ay kula hadlaan Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Midowga africa ee AMIOSM.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
