Muqdisho April 04 2013 (SDN)– Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif,ayaa soo dhaweeyay xubnaha ciidamada Jamhuuriyada Siera Leone ee soo gaaray Muqdisho,kuwaasi oo qeyb ka noqday AMISOM.
“Bixinta ciidamada ay sameysay dowlada Siraliyoon,waxay ka dhigan tahay,iyadoo ka damqaneysa dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin”ayuu yiri Anadif.
Hadalka Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa ayaa imaanaya xilli maalintii shalay aheyd ciidamo ka scoda Siraliyoon ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u jeedkooda yahay inay ku biiraan howlgalka AMISOM.
Iyagoo la geyn doono sida horay loo sheegay deegaanada Jubooyinka si amaanka ay u sugaan.
Go’aankaan ciidamada Siraliyoon lagu keenay Soomaaliya ayaa waxaa go’aamiyay Qaramada Midoobay,iyadoo u jeedka uu yahay sidii loo taageeri lahaa ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada oo dagaalo ay kala soo horjeedaan Al-shabaab.
