Muqdisho 12.May 2015 (DN/J)- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baadhiseedka ah isticmaalka eyda ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baadhiseed ka duwan midka hadda la isticmaalo.
Suxufiyiinta ka hawlgala Muqdisho ayaa maalinimadii Shalay ka soo kala dareeray xaflad ay Midowga Yurub ku sameysanayeen Xalane, kadib markii lagu amray inay qalabkooda hoos geeyaan Ey wax uriya, taasoo laga yaabo in eyga dhareerkiisa uu gaadho qalabka, taasoo ay weriyayaashii ka biyo diideen “Waan dareensanahay eyda loo isticmaalayo arrimo amni, balse waxaa la heli karaa hab baadhiseed casriya oo looga kaaftoomi karo isticmaalka eyda, iyadoo la xushmeynayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yidhi, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, “Waxaana ugu baaqeynaa inay wax ka bedelaan qaab baadhiseedkooda, si loo hagaajiyo xidhiidjka Warbaahinta iyo AMISOM.”ayuu yidhi
Waxaanu intaasi ku daray“Cabashada weriyayaasha ee arrintan waa ay soo noqnoqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg deg ah laga gaadho, waxaana diyaar u nahay in aan idinkala shaqeyno qaabkii xal looga gaadhi lahaa, maadaama arrintu saameyneyso dhaqanka iyo diinta dalka, loogana baahan yahay AMISOM inay xushmeeyaan” ayuu yidhi xoghaya guud ee ururka suxufiyiinta Somaliyeed.
Muqdisho,Somaliy
