|

Amnesty oo Somaliland ku eedeysay xadgudubyo ka dhan ah shacabka Laascaanood

Laascaanood April 20, 2023 (QJ) – Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa daaha ka qaaday xadgudubyo ballaaran oo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaray colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Warbixintu waxay sheegtay in in ka badan 100 qof ay ku dhinteen dagaalka, in ka badan 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida lagu sheegay baadhitaanka ay samaysay hay’adda Amnesty International, ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa si aan kala sooc lahayn u weeraray, isla markaana duqaymo u geystay magaalada, kuwaas oo waxyeello u geystay cisbitaallada, dugsiyada iyo masaajidda, sidoo kalena ay dhimasho iyo dhaawacba u geysteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ururada bulshada rayidka ah ee deegaanka ayaa ku qiyaasay inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof in ay ku barokaceen rabshadaha Laascaanood iyo nawaaxigeeda. Gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah ayaa loo baahan yahay si loo taageero dadkan nugul.

Amnesty International ayaa wareysatay 37 qof oo ay ku waxyeeloobeen iskahorimaadka Laascaanood, oo ay ku jiraan dhibanayaal, ehelada dhibanayaasha, markhaatiyaasha, iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxayna diiwaangelisay xadgudubyada ay la kulmaan, oo ay ku jiraan dilal sharci darro ah, dadka la wayay, iyo xarig aan sabab lahayn.

Warbixintu waxa kale oo ay ugu baaqday madaxda Somaliland inay xil iska saaraan xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka, isla markaana ay la xisaabtamaan ciddii ka dambaysay.

Amnesty International ayaa ku boorisay beesha caalamka inay bixiyaan taageerada gargaarka bini’aadantinimo iyo inay baaraan xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo waxyeelada rayidka kasoo gaartay iskahorimaadyada.

Xaalada Laascaanood ayaa ah mid cakiran oo salka ku haysa xiisado taariikhi ah iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Beesha caalamka ayaa ugu baaqday labada dhinac inay xal nabadeed oo waara u helaan colaada.

Comments are closed