|

”Anigu Waxaan Ka Tirsanahay Xisbiga Waddani Waxbana Kama Jiraan Wararka Sheegaya inaan ka Baxay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa si adag u beeniyay inuu ka baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ka mid yahay hoggaamiyayaashiisa siyaasadeed.

xildhibaan siciid cilmi roobleXildhibaan Siciid oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, Telefoonka kula soo hadlay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ka tirsanyahay xisbiga Waddani, balse uu kulamadii siyaasadeed ee u dambeeyay iyo shirka golaha dhexe ee xisbiga uga maqanyahay sababo caafimaad, “Anigu waxaan ka tirsanahay xisbiga Waddani, waxbana kama jiraan wararka la sheegayo ee ah inaan ka baxay xisbigaas oo aan iska casilay. Anigu waxaan ka tirsanahay xisbiga Waddani, waxaanan ku maqanahay safar caafimaad oo dibadda ah, Alle waxaan ka baryayaa inuu safarkayga igu soo guuleeyo, markaan soo laabtana halkii ayaan hawlaha xisbiga ka sii wadayaa.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Wuxuu isagoo la hadlaya taageerayaasha uu yidhi, “Markaas waxaan taageerayaashayda u sheegayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas ee aan ka tirsanahay xisbiga Waddani, aad iyo aadna waxaan u salaamayaa taageerayaashayda iyo bahweynta xisbigaba.”

Maalmihii u dambeeyay waxa suuqyada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto dhex wareegayay warar sheegayay inuu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iska casilay xisbiga Waddani, ka dib markii uu siyaasadiisa saluugay. Laakiin hadalkan xildhibaanka ayaa meesha ka saaraya wararkaas hore loo baahiyay.

Comments are closed