|

Aqalka Baarlamanka Turkiga oo Meel Mariyey Sharci Cusub oo Ku saabsan Xasaanad Ka Qaadista Xildhibaanada Iyo Mid Ka Mid ah Himilooyinka Madaxweyne  Erdogan oo Rumowday DAAWO

Ankara 23.May 2016 (SDN/QJ):- Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa  ansixiyey Sharciga cusub ee lagu bedalayo qodobka Dastuurka ee xasaanada gaarka ah siinaya Xildhibaanada wadankaasi.

 

turkeySharcigan ay soo diyaarisay xukuumada ayaa looga gol leeyahay in maxkamad lasoo taago Xildhibaanada lagu eedeeyo falal ka dhan ah Qaranka iyo dowlada.

 

Xildhibaanada wadanka Turkiga ayaa si weyn isugu khilaafsanaa ansixinta sharcigan iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay keentay in qaar kamid ah Xildhibaanada gacanta isula tagaan kahor intaan sharcigan loo soo gudbin kalfadhiga iyo Cod u qaadista.

 

Codbixinta koowaad ayaa dhacday Talaadadii lasoo dhaafay markaasi oo ay 348 xildhibaan cod ku ansixiyeen balse sida dastuurka dalkaasi qorayo sharcigan ayaa ahayd in loo gudbiyo Afti dadweyne ayey dowlada Turkiga markale cod 2-aad u qaaday sharcigan oo ay shalay u codeeyeen 376 oo kamid ahaa 550 xildhibaan ee Baarlamaanka. Tiradan oo ahayd aqlabiyad buuxda.

 

Sida sharciga wadankaasi qorayo hadii xildhibaano gaadhaya 361 ansixiyaan aan loo baahneyn in sharciga loo gudbiyo afti dadweyne oo uu sidiisa ku dhaqan galayo.

 

Ansixinta sharcigan ayaa guul u ah Madaxweyne Tayyib Erdogan oo si weyn ugu ololeenayey inuu sharciga la tiigsado qaar kamid ah xildhibaanada dalkaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshihiisa uu kula dagaalamayo kooxaha kurdida iyo mucaaridka wadankaasi.

Comments are closed