|

Madaxweyne Gabadhiisa Oo La Mehersadday Ku Dardaaray Xadiiskii Nebigu Ku Dardaaray Gabadhiisa

Wedding of the daughter of Turkish president GulIstanbul 23.May 2016 (SDN/QJ):- Rajab Dayib Erdogan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa si muuqda uga qayb qaatay xafladda meher ee inantiisa Sumayah Rajab Dayib Erdogan iyo saygeedka cusub ee Saljuuq Biirqadaar oo ka dhacay magaalada Istanbul.

Recep Tayyip Erdogan and his daughterXaflad si aad u heer sarreysa loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madax iyo hoggaamiyeyaal kala duwan oo dunida iyo dalkaba ah ayaa sida aanu ka soo xiganay wargeyska Al-Quds oo ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu Madaxweyne Erdogan ka jeediyey munaasabadda meherka khudbad dad badan dareenkooda taabatay oo uu inantiisa ugu soo hal-qabsanayey ereyga ah, “Ilayskii indhahaygaay” ayaa Erdogan oo uu inantiisa iyo saygeedaba waxa uu siiyey talo aad u kooban macno ballaadhanna xusan oo uu madaxweyne Erdogan sheegay in ay tahay talada Xadiiska iyo Diinta ku cad ee uu Nebi Muxammed (SCW) siiyay inantiisii Faadumo markii ay is guursadeen Cali Ibn Abi Daalib (Alle ha ka raalli ahaado labadoodaba), Erdogan waxa uu yidhi, “Weligiina indhihiina ha kala duwina, waayo sidaa ayaa uu jacaylkiinu ku siyaadayaa”

Comments are closed