Washington Dec 09,2014(SDN/QJ)-Waxa bilo laga doodayay habkii loo soo bandhigi lahaa baaritaan lagu sameeyay hanaanka ay CIA du u baarto faldanbiyeedyada oo la sheegay in jirdilna uu qeyb ka ahaa xiliyadii Madaxweyne George Bush.
Baaritaanada iyo dodo ka dhashay oo gaaray heer xasaasi ah ayaa waxa dhexdhexaadiyay aqalka Congress-ka iyo CIAda aqalka Cad ee dalkaa looga arimiyo.
Ugu danbeyntii waxa la isla qaatay in 400 oo ka mida ku dhawaad 700 oo bog oo lagu baaray jirdiladii ay fuliyeen sirdoonka Mareykanku.
Dooda aqalka Cad ayaa ku saleysneyd in warbixintu ay dib u soo nooleyneyso naceyb loo qabo dawlada iyo shicibka Mareykanka.
Waxa la adkeeyay amaanka safaaradaha iyo xeryaha Mareykanka ee caalamka ku firirsan ka hor inta aan la shaacin warbixinta.
Intii ka danbeysay werarkii lagu qaaday daarihii New York, kana horeysay hogaanka madaxweyne Obama ayaa CIAdu waxa ay fasax ay u heysteen in ay jir dil ku sameeyaan eedeysaneyaasha diida in ay xogaha bixiyaan.
Madaxweyne Obama ayaa sharcidaro ku tilmaamay jirdilada oo idil mudo gaaban ka dib kolkii uu talada dalka Mareykanka la wareegay sanadii 2008dii.
SDN/QJ-Washington
