|

Aqoonyahanka reer Somaliland oo Xukkumada Biixi ku dhaliilay colaada Laascaano

Hargeisa Feb 25, 2023 (QJ) – Shan iyo konton qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo isugu jira abwaano, qoraayaal, hawl-wadeennada bulshada iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin macalimiin jaamacadeed, dhakhaatiir, Qareeno iyo Injineero ayaa si wada jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan xaaladda Laascaanood.

Waxa ay ku booriyeen Madaxweyne Biixi in uu qaado masuuliyadda colaadda Laascaanood, iyaga oo ku baaqay in la joojiyo colaadda, isla markaana ay garab taagan yihiin dadka ay shaqaaqadu saamaysay.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu dhaleeceeyay adeegsiga awoodda, waxayna ku baaqeen in si nabad ah lagu dhammeeyo colaadda, iyadoo la sheegay in loo baahan yahay wadahadal iyo diblumaasiyad.

Image

Image

Image

 

Comments are closed