|

Arday Dhigata Jaamacad ku taal kenya oo Al-shabaab Dartood u kala cararay

Nairobi,31Oct,2015(QJ/SDN)-Boqolaal arday oo ka tirsan Jaamacada Moi ee Galbeedka dalka Kenya ayaa abilaabay iney dareemay qalqal dhanka amaanka iyo cabsi ay ka qaadeen weeraro kaga yimaado ururka Alshabaab, sida ay sheegeen hogaamiyaasha ardayda jaamacada.

Ardayda qaarkood ayaa hooy ay  degaan ka raadsaday meel ka baxsan qeybta ay jaamacada ka dhigtaan ee magaalada Eldoret kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in afar arday oo la waayay ku biireen ururka Alshabaab.

Alex Mbungua, oo kamid ah ardayda dhigata jaamacada Moi ee dalka Kenya ayaa sheegay in Alshabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkii 2 April ka dhacay jaamacada magaalada Garisa ayna suuro gal tahay iney jaamacadooda soo weeraraan.

Ku xigeenka hogaamiyaha jaamacada Moi ee dalka Kenya Richard Mibey ayaa sheegay in afarta ardayda ee la waayay ay ku hanjabeen iney weerar ku qaadayaan jaamacada Moi, taasi oo cabsi ku abuurtay ardayda dhigata jaamacada.

Askar badan oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa la sheegay in loo daabulay dhismaha Jaamacada ee Eldoret, oo lagu sheegay ku dhawaad 30,000 oo ciidan, laakiin wali ardayda ayaa cabsi xoogan ka qaba xaaladaha dhanka amaanka.

Qaar kamid ah ardayda jaamaca Moi ee dalka Kenya ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka qabaan weerar ay kala kulmaan Alshabaab maadaama dad saaxiibadood ah la sheegay iney Alshabaab ku biireen.

Comments are closed