|

Askarta Ilaalada Wasaaradda Waxbarashada Oo Wasaaradda Ka Hor Joogsaday Agaasimaha Guud Ee Wasaaraddaasi Oo Khilaaf Culusi Kala Irdheeyey Wasiirkiisa Waxbarashada

Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Askarta Ilaalada Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa Shalay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Md. Abiib Axmed Cali ka hor joogsatay in uu xafiiska wasaaradda soo galo kadib markii uu sidaa amar ku bixiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane.

wasiirka-iyo-agaasimaha-waxbarashadaGoob-jooge Wargeyska FOORE arrinkan wax ka waydiiyey ayaa noo xaqiijiyey in dadweynihii marayay jidka hor mara Dhismaha Wasaaradda waxbarashadu mar kali ah ku war heleen buuqa iyo qaylada ka taagan Afaafka laga galo Wasaaradda Waxbarashada oo ay isku haystaan askar ka mid ahaa ilaalada Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Mudane Abiib Axmed Cali kaasi oo aad uga xanaaqay markii ay ciidamadu u diideen in uu galo Wasaaradda gaar ahaan xafiiskiisa kuna war geliyeen in ay amar Wasiir ku haystaan in aannu dhismaha foodda soo galin Agaasimaha Guud.

“Mar dhawayd waxa buuq iyo qaylo ka taagnayd albaabka Wasaaradda Waxbarashada annaga ooh or maraynay. Waxa aanu aragnay nin la ii xaqiijiyey in uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay is haystaan askartii ilaalada wasaaradda ahayd. Agasimuhu aadbuu u qaylinayay oo waxa uu lahaa ‘Ma aniga oo Agaasmihii guud ah ayaad ii didaysaan in aan galo Wasaaradda iyo xafiiskayga. Ma isagaa ku dhaca in uu ii diido wasaaradda’. Waxaan arkayay in uu aad u xanaaqsanaa oo askartuna dib u riixaysay kolba isna uu doonayay in uu khasab ku jiidho balse aanay u suurta galin” sidaa waxa Wargeyska FOORE u sheegay mid ka mid ah dadkii goob joogga u ahaa dhacdadan saaka ka dhacday wasaaradda Waxbarashada.

Warkani waxa uu intaasi ku darayaa in muddo dheer oo ay is haysteen cay iyo hadallo hanjabaad ahina dhex martay labadan dhinac ay khasab ku noqotay Agaasimaha guud in uu isaga hulleelo goobtii iyo xafiskiisii wasaaradda kadib markii ay askartu ka hor joogsatay in uu galo iyaga oo u sheegay in uu sidan amray Wasiiir Cabdillaahi Dheere.

Falkan ayaa ku soo beegmaya markii ay toddobaadkan soo shaac baxday in khilaaf culusi kala irdheeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirkiisa iyada oo aan faahfaahin laga helin halka uu salka ku hayo khilaafkoodu.

Agaasime Abiib Axmed Cali ayaa hore agaasime uga soo noqday wasaaradaha ganacsiga, caddaaladda, warshadaha iyo wasaarada waxbarashada oo uu haatan ka hawl galo, ayaa muddooyinkii uu wasaaradahaas hore ka soo shaqaynayay waxaa xusid mudan in sababaha madaxweynuhu uga soo bedelay ay ugu mudnaayeen isku dhacyo iyo muranno qaarkood gacan ka hadal sababeen oo dhex maray isaga iyo wasiirradii qaar ka mid ah wasaaradahaas.

Comments are closed