Webmaster

‘’Beelo Ku dagaalamay Buuhoodle Ma Jiraan ee Waxaa Ciidanka Qaranka Somaliland laga Dilay 4 Askari Waxaana ka danbaysay arrintaas Punt land Wasiir Faratoona Wuu ku Khaldamay…’’ Gaashaanle Sare Abokor Sulub DAAWO

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Gashaanle Sare Abokor Sulub Oo Puntland Ku eedeeyey Ciidan Qaran Oo Lagu Laayey Buuhoodle, Wasiir Faratoona U Diray Fariin, Sidoo Kalena Tacsi U Diray Qoysaskii Iyo Eheladii Ciidankaasi La laayey.

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘‘Boqortooyada Xayawaanka’’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

‘’Waxaan Halkan u imid si aan Somaliland ula dabaal dego Horumarka ay ku Talaabsatay 26 Sano ee u danbeeyay & Inaan ogaado Waxyaabaha Qaadhaan Bixiyeyaashu ka Taageeri karaan’’ Wasiirul Dawlaha Qaarada Africa ee Ingiriiska DAAWO

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Wefti ka socda dalka Ingriis oo uu Hogaaminayo Rory Stewart oo ah Wasiiru dawlaha Horumarinta iyo Arimaha Debada ee qaabilsan Africa  iyo Dalalka Barwaaqo Sooranka ayaa Socdaalkiisii Kowaad tan iyo intii uu xilkan Wasiiru dawle qabtay waxa uu ku Yimid Caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Wasiiru Dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Africa…

Read More

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo Ruqsadii kala Noqotay 7 Dugsi Sare oo ku Yaala Caasimadda hargaysa & Khaladka ay Galeen Iyo Ku Nagaanshaha Mawqifka ay qaadatay Wasaaradu oo Mugdi ka Sokeeyo DAAWO

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa cadaysay inay Ruqsadii kala noqotay 7 Dugsi sare oo ku yaala caasimadda hargaysa kadib markii ay u hogaansami waayeen awaamiir ka soo baxday Wasiirka Waxbarashadda. Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa Hore Waxay u Shaacisay Gaar ahaan Wasiirka Wasaaradaasi inuu…

Read More

“Col Iyo Abaar Ayaa Somaliland Ka Socda Waana Tii Laga Duceysanayay Ee Yaa U Codeyn Doona..” Suldaan Mawliid Sabayste DAAWO

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Suldaan Sabeyse kana mida sulaadiin reer Somaliland ayaa xukuumada xisbiyada ku dhaliilay sida ay uga caga jiidayso beelaha walaalaha ah ee dirirtu ay ku dhexmartay degmada Buuhoodle. “Xukuumada Somaliland doorkii ay ku laheyd daminta shaqaaqada labadaasi beelood kamay qaadan furinbaana laga dhigey, xukuumada iyo golayaasha Hargeysa dhexdeeda ku murmayana waxaan…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Kulan la Qaatay Wefti Ka Socday Ingiriiska oo uu Hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Africa & Waxyaabihii laga wada hadlay

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Kulan muhiim ah oo uu hogaaminayay Komishaneer CabdiFatax Ibrahim Sheekh oo ka qabsoomay xarunta KDQ, Kulankan oo ahaa kulan muhiim ah waxuu KDQ la yeeshay Wafti ka socda dalka Ingriis oo uu Hogaaminayo Wasiir Rory Stewart oo ah Wasiiru dawlaha Horumarinta iyo Arimaha Debada ee qaabilsan Africa iyo Waddamada Barwaaqo…

Read More

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Oodweyne oo Wasiiro Iyo Guddida ka soo Kabashada abaaraha ka difaacay eedaymo ku saabsan inay la Wareegeen Shaqadii Golaha Deegaanka DAAWO

Oodweyne 21. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaaladda Oodweyne oo Kulan Warbaahineed ku qabtay Magaaladaasi ayaa ka difaacay eedaymo ay Xubno Golahooda deegaanka ka mid ahi u Jeediyeen Gudoomiyaha Gobolka Daad madheedh,Guddida Abaaraha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ay ku eedeeyeen inay Shaqadii golaha deegaanka Oodweyne Maroorsadeen.

Read More

Caaqil ka Mid ah Gurmadkii Gaadhay Buuhoodle Si ay Xaalada Colaadeed u Dejiyaan oo La Dilay DAAWO

Buuhoodle 21. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) kana mida mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay dilka Alle haw naxariistee Caaqil Daahir Cartan Gadhcade (Salaama) oo lagu toogtay gudaha magaalada Buuhoodle. https://www.youtube.com/watch?v=rtryt9tvt_s

Read More

“Xisbi Ahaan Waxaanu Aaminsan Nahay Haddii Aynu Doorashadaas Ku Guntano, Oo Si Nabadgalyo Ah Oo Qurux Badan Inoogu Dhacdo, In Aqoonsigu Inoogu Xigi Doono’’ Gudoomiye Ku Xigeenka Kulmiye

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Mushaxnimada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, oo ilaa hadda jirin,xulashada Faysal Cali Waraabe, ee Gobol Sanaag, iyo inuu ka duwanaado Kulmiye iyo Waddani, oo musharaxiintooda Madaxweyne ku xigeen ka soo jeedaan Gobolka Awdal….

Read More

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land oo Ka Hadlay Dirir Beeleedka ka Dhacay Magaaladda Buuhoodle

Garowe 21. August 2017 (SDN/QJ):-Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday tuulooyin hoostaga Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.   Dagaalkan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.   Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dagaaladaas aysan aheyn kuwo siyasadeed balse ay yihiin…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Khaatumo haatana Sheegta Madaxweynaha Ku Meel gaadhka ah ee Khaatumo oo ka Hadlay Dagaalka Beelaha Walaalaha ah ku Dhex maray Magaaladda Buuhoodle DAAWO

Buuhoodle 21. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Xilka laga Qaaday ee Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Khaatumo haatana isku Magacaabay Madaxwaynaha Kumeel Gaadhka ee Khaatumo Cabdale Cali Haybe ayaa ka Hadlay Dagaal Buuhoodle ka dhacay ee u dhexeeyay Laba beelood oo Walaalo ah.

Read More

Hargaysa: Qaabka Ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu U Qaabishay Imtixaan Ay Maanta 240 Jaamici Oo reer Somaliland Ah Ka Qaaday

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaad 240 Muwaadiniin reer Somaliland oo  shaqo doon ah, Hoolka Hay’adda Shaqaalaha ugu qabatay Imtixaan ay ku kala saarayso si cida Imtixaanka ku guulaysata ay uga shaqo gasho shaqooyin ka banaan Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Somaliland qaadanaysa shaqaale Cusub. Guddoomiyaha Hay’adda…

Read More

Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibedda Somaliland oo Muqdisho Ku Sugan & Kulan uu La Yeelanayo Raysal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 21. August 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkay dhawaana gaaray Wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda Somalia Maxamed Cabdulaahi Cumar oo sidoo kale hada ah xubin sare oo katirsan Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye. Maxamed Cumar ayaa lagu arkay Hoteelo kuyaala magaalada Muqdisho iyo sidoo kale xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana masuulkan uu kulamo…

Read More

Nin Beeralay ah oo Bilaabay Qorshe uu Wax kaga Bedelayo Fikirkii Dadku ka haysteen & Dirays ku haboon Shaqadiisa oo uu Xidhay!!

Japan 21. August 2017 (SDN/QJ):- Kiyoto Saito, oo beeraley da’yar ah oo ku nool dalka Japan ayaa isku dayaya inuu badalo aragtida dadku ka heystaan howlaha beer limista iyo falka. Haddii uu kaxaynayo cagaf-cagaf ama uu ku joogo jilbihiisa, Kiyoto wuxuu aalaaba xirtaa koor iyo suut dhamaystiran iyo luqun-xir ‘tie.’ Qoyska Kiyoto waxay muddo aad…

Read More

Beesha Ciise Binu-axmed Oo Fool-xumo Aan Hadhi-doonin KuTilmaamay Faro-madhnaan Ay Awood-qeybsiga Dawladda Somaliland Ka Joogaan

London 21. August 2017 (SDN/QJ):- Qurba jooga beesha Ciise ee ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin in loo doorto kursiga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland. Qurba jooga beesha Ciise oo war murtiyeed ay ka soo saareen magaalada London soo gaadhsiiyey qurbejoog.com, ayaa u dhignaa sidan. “Qurba jooga Beesha…

Read More

Xujaaj Qaarkood Ka Tageen Hargeysa Oo Ka Cawday Dadkii Kaxeeyay Oo Dejiyey Huteellada Ugu Adeegga Liita Dhulka Barakaysan & Cadadka Lacagaha Laga Qaaday

Makka 21. August 2017 (SDN/QJ):- Xujaaj Soomaali ah oo ka tagay Deegaannada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa qaarkood eedayn  u soo jeediyeen dadka ku shaqaysta inay Dadka soo gudanaya Waajibaadka Xajka kaxeeyaan isla-markaana ay geeyaan Magaalada Makka, gaar ahaan Xaramka iyo Dhulka Barakaysan ee uu ka mid yahay Masaajidka Nebiga (CSW) ee ku yaalla Magaalada Madiina….

Read More

Sagaal Ka Mid ah Xujaajta Sannadkan oo Ka Maarmay Diyaarad Iyo Gaadiid Isla Markaana Baaskiilado Ku Tegay Magaalooyinka Barakaysan ee Maka Iyo Madiina & Dalalka ay ka soo Safreen

Makka 21. August 2017 (SDN/QJ):- Sagaal Xaaji oo ka mid ah Xujaajta Ingiriiska ee sanadkan soo Gudanaysa Waajibka xajka oo Baaskeelado kaga soo ambabaxay Magaaladda London ayaa Gaadhay Magaalada Barakaysan ee Maka al-mukarama. Xujaajtan Baaskiiladaha ku tegey Xajka ayaa safarkoodu waxa uu qaatay Lix todobaad,Iyagoo socday  Masaafad dhan in ka badan Saddex kun oo Kilo…

Read More