Webmaster

    Warbixin Naxdin leh oo Ciidanka Boolisku ku qaabilay Xuska 20 Guurada aasaaskooda {DHAGAYSO}

    Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska  Gaashaanle Dhexe Maxamuud Ducaale Cali  ayaa Warbixin dhinacyo badan taaabanaysa oo uu maanta ka Jeediyay Munaasibad loo sameeyay Xuska 20 Guurada ka soo Wareegtay aasaaska Ciidanka booliska waxa uu ku iftiimiyay dhacdooyin naxdin leh oo taabanaya Nolosha Mujtamaca gaar ahaan Sannadkan aynu ku Guda Jirno. Hoggaanka hawl-gelinta…

    Read More

      “Waxa aanu ugu digaynaa in Tv-ga qaranka iyo Radio Hargeysa ay noqdaan godad abeeso oo mucaaridka lagu qanqaniino.” Md. Cabdiraxmaan Cirro {DHAGAYSO}

      Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maanta Munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyay Xildhibaano door ah oo ku soo biiray. Gudoomiyaha Xisbiga Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C,raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadan Cusub ee ku soo biiray Xisbiga Waddani kuwo dhiig Cusub gelinaya Xisbiga…

      Read More

        “Waxaa ka Mid ah Xusuusaha Qaaxo Madaxweyne Siilaanyo oo Gudoomiye noo ahaa oo uu eryanaayo Muuse Biixi oo aan Xabada isaga dhigay,Maantase Muuse ayaa ka hagaagsan” Xildhibaan Mataan Hoori {DHAGAYSO}

        Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN) Xildhibaan Mataan Hoori oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada uga soo baxay Xisbigii burburay ee Udub ayaa maanta iftiimin ka bixiyay halgankii dib u xoraynta dalka isagoo sheegay in Madaxweynaha talada dalka haya ee Somaliland oo xilligaas u ahaa Gudoomiyihii Ururkii SNM inuu xabad isaga dhigay isagoo ka cararaya Gudoomiyaha…

        Read More

          Xildhibaan C.raxmaan Xoog oo Sharaxay Sababta uu ugu biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani {DHAGAYSO}

          Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Xildhibaan C.raxmaan Xoog oo ka Mid ah Mudanayaasha Sida ba’an u naqdiya Siyaasada hogaaminta ee Xukuumada Talada haysa ee ka dhalatay,ayaa sheegay inay mar walba ka go’an tahay Sidii uu Masiirka bulshada u ilaalin lahaa,Waxaanu Hoosta ka Xariiqay inaanu ka mid ahayn Mudanayaasha hadba meel u Guura ee u Xagliya Xisbiga…

          Read More

            Somalia’s Watergate Scandal: President’s Chief Of Staff Outmaneuvered in His Bid to Steal over 100 Million Dollar

            Mogadishu, Nov 03, 2013 (SDN) -Somalia has been hit by a scandal similar to the US  Watergate Scandal. The Financial Times, a respected international business  journal has reported that Yusur Abraar, Governor of the Somalia Central  Bank has resigned her position. Governor Abraar was appointed as a governor  just two months ago. To Read full…

            Read More

              Wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markuu soo dhamaystay shir uu kaga qayb galay Nairobi

              Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Dalalka Saldanadda Cummaan iyo wadanka Kenya kaga soo qayb galay labo shirweyne oo caalami ah oo muhiimado gaar ah u lahaa Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka oo ay madaarka caalamiga ah…

              Read More

                Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku balan qaaday inay dhamaystiri doonaan waxyaabaha ka dhiman Ciidanka Booliska {DHAGAYSO}

                Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland, waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Ciidanka Somaliland sida adag ee ay nabadda iyo Ammaanka uga shaqeeyaan, waxana uu masuuliyiintooda ku ammaanay sida  muuqata ee ay u ilaaliyeen kala dambaynta, waxana uu Ballan qaaday inuu madaxweyne ahaan gacan Buuxda sidii loo dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman ciidanka Booliska…

                Read More

                  Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Tilmaamay doorka Ciidanka boolisku ku leeyihiin Sugida amniga {DHAGAYSO}

                  Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland cali maxamed warancadde ayaa isaguna tilmaamay in Ciidanku Heegan ugu jiro sidii uu Nabadooda uga shaqayn lahaa, islamarkaana uu bulshada uga ilaalin lahaa dhammaanba wixii dhib ku haya. Sidoo kale waxa uu sheegay inay wasiir ahaan ka Go’an tahay inay ciidanka siiyaan Tababar adag oo ay ku…

                  Read More

                    Taliyaha Ciidamada Boolisku Muxuu ka Yidhi Xuska aasaaska Ciidamada Booliska {DHAGAYSO}

                    Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman, oo Maanta ka hadlayay Xuska Maalinta aasaaska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa  in qaranku ku guulaystay inuu helo Derejooyinkii uu xaqa u lahaa taas oo ah mid kor u qaadday karaamada ciidanka Somaliland iyo Haybaddoodaba, isagoo tallaabadaasna uga mahad naqay madaxweynaha…

                    Read More

                      Shaqaale Weynaha Somaliland oo Shaqooyinka beri fasax ka ah Curashada Sannadka Cusub ee Islaamka awgiis

                      Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Aarimaha Bulshada Mudane Maxamuud Axmed Barre [ Garaad] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray maanta  ku war galiyay shaqaale weynaha dalka Somaliland in ay fasax ka yihiin  shaqooyinka ay hayaan maalinta beri ah oo ku beegan curashada sanadka cusub ee islaamka 1435 ka  hijriyada. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul…

                      Read More

                        “Ballaarinta Wasiirada waxay keeni doontaa in 23-wasaaradood wax la mid ah ayay noqonayaan” Ra’isal Wasaare Saacid

                        Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka dhawaajiyay tirada uu ka dhigayo Golihiisa Wasiirada Soomaaliya, iyadoo lagu wado in dhowaan is bedel lagu sameeyo Golaha. Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ayuu sheegay in Golihiisa Wasiirada ay gaari doonaan ilaa 23-wasaaradood, si loo ballaariyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sanad…

                        Read More

                          Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibada oo soo laabatay kadib shir ay kaga qayb gashay New York

                          Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta ku laabatay magaalada Muqdisho kaddib markii magaalada New York ee dalka Mareykanka ay uga qayb gashay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Fowsiya oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay…

                          Read More

                            Meelo Dunida Ka Mid ah Oo Maanta Laga Saadaaliyey Qorrax-madoobaad

                              Egyty:3-Nov-2013(SDN) Sida ay sheegeen Xeel-dheerayaasha Cilmiga Xiddigisku  waxa Maanta meelo ka mid ah Dunida Lagu arki Doonaa Qorrax-madoobaad Ballaadhan. Dr. Ashraf Ladiif Tadaaris oo ku-xeel dheer cilmiga xiddigiska iyo godadka meerayaashu guuraan ayaa saadaaliyey in maanta oo Axad ah uu dhici Doonaa Qorrax-madoobaadkaasi, waxana Lagu Arki Doonaa Meelo  Dunida ka mid ah. Digtoorka oo…

                            Read More

                              Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somalia oo Shir kaga qayb galaya Nairobi iyo Jabuuti

                              Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedaan dalalka Kenya iyo Jabuuti. Guddoomiyaha waxaa safarkiisa ku wehliya qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadaha, waxaana lagu wadaa in dalalka ay u ambababaxeen…

                              Read More

                                Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanad-guuradii 20-aad ee Ciidanka Booliska Somaliland

                                Hargeysa:3-Nov-2013(SDN)-Waxa Maanta Magaalada Hargeya Lagu Qabtay Xuska Sanad-guurada 20-aad eek a soo wareegtay Aasaaska ciidanka Booliska Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qayb galay xuska Munaasibadda sanad-guurada 20-aad eek a soo wareegtay markii la Aasaasay Ciidanka Booliska Somaliland. Munaasibaddan oo oo ka qabsoontay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa wax aka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno,…

                                Read More

                                  Dawlada Pakistaan oo sheegtay in Dilkii Mareykanku u geystay madaxii Taalibaanka ay burburisay wadahadalo ay kooxdaa kula jireen

                                  Islamabad Nov 03,2013(SDN)-Dawlada Dalka Pakistaan ayaa sheegtay in dilkii Mareykanku u geystay hogaamiyihii kooxda Talibaan ee dalka Pakistaan ay caqabad ku noqon kareyso nabada dalkaasi. Wasiirka khaarejiga ee Pakistaan Chaudhry Nasir Ali khan ayaa sheegay in dilka aan loo geysan afrta ruux ee dhimatay uun balse la khaarejiyay wadahadaladii nabadeynta Pakistaan. Dilka madaxa Talibaan ayaa…

                                  Read More

                                    Suxuufiyiin Faransiis ah oo lagu toogtay dalka Mali

                                    Kidal Nov 03,2013(SDN)-Laba suxuufiyiin ah oo u dhashay dalka Faransiiska oo dalka Mali lagu afduubtay ayaa kolkii danbena toogasho lagu dilay. Suxuufiyiintan oo ka hawlgeli jiray idaacada RFI ee dalka Faransiiska ayaa la kala oran jiray Claude Verlon iyo Ghislaine Dupont. Madaxweynaha dalka Farnsiiska oo dilka labadan suxuufi ka hadlay ayaa sheegay in falkaasi ahaa…

                                    Read More