Webmaster

    Xarunta Golaha Deegaanka Lascanod Oo Ciidan La Wareegay Iyo Dhaawac Soo Gaadhay Qaar Ka mid ah Xildhibaannada

      Lascanod: 9.Oct.2013- (SDN)   Ciidanka Booliska Magaalada Laascaanood, ayaa saaka xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Laascaanood ka Dareeriyey Xildhibaanno Doonayey Inay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Maayarka Magaalada Lascanod. Ciidanka Booliska ayaa la sheegayaa inay rasaas u adeegsadeen kala dareerinta Xildhibaannada ku sugnaa xarunta Golaha Deegaanka ee Magaalada Lascanod, waxana ay meesha xoog kaga dareeriyeen…

    Read More

      Xildhibaannada wakiillada Oo Maanta Dood Kulul Ka Yeeshay Miisaaniyadda Qaranka

      Hargeysa9.Oct.2013- (SDN) xildhibaannada wakiillada  ayaa maanta dooddoodii miisaaniyadda qaranka  ka dhiibtay Dood adag oo ay ku dhaliilayaan nidaamka uu wasiirka wasaaradda Maaliyadu u soo jaangooyey Miisaaniyadda sanadka soo socda. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta dooddooda ka dhiibtay Golaha, ayaa sheegay inaanay miisaaniyaddani ahayn mid jaangooyadeeda si fiican loo dejiyey, waxana…

      Read More

        Budhcad Badeed lagu soo Maxkamadeeyay Jaziiradda Seychelles oo laga soo dejiyay Boosaaso si ay Xabsigooda ugu dhamaystaan

        Boosaaso 09.October 2013 (SDN)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaso ayaa maanta  laga soo dajiyay Burcad badeed xukuman oo ku xirnaa xabsiyada Jaziiradda Seychelles ,kuwaasoo ku yimi heshiis Puntland la gashay jasiiradaas. Burcad badeed maanta la keenay magalada ayaa tiradooda gaaraysaa 6-Nin.waxana la socday agaasimaha la-dagalanka burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Maxamad Dirir,Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen.Cali Nuur…

        Read More

          Kumanaan Neef Oo Adhi U Badan Oo Sayladda Xoolaha Hargeysa Ku Soo Qulqulaya iyo Ganacsade Kaliya Oo Sayladda Ku Keliyeystay

          Hargeysa, October 9, 2013 (SDN) – Sayladda Xoolaha ee magaalada Hargeysa ayay si xoog ah ugu soo qulqulayaan xoolaha nool ee kala duwan, gaar ahaan Adhiga oo xiliyadan suuqoodu xaami ahaan jiray marka sanad kasta la gaadho xiliga Carafada.   Saylada xoolaha Hargeysa oo Carafadii hore ay iibsiga xoolaha nool gaar ahaan Adhiga ay ku…

          Read More

            51 Guuradii Xoriyada Uganda iyo Ra’isal Wasaare Saacid oo Ku Hambalyeeyay Xuska Gobonimadooda

            Muqdisho 09.October 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hambalyo ku aaddan 51-guurada ka soo wareegatay markii uu xorriyadda qaatay dalka Uganda waxa uu u diray shacabka iyo dowladda Uganda. Raysul wasaare Shirdoon ayaa war qoraal ah ku ammaanay taageerada dowladda Uganda iyo shacabkeeda ay la garab taagan yihiin howlgalka Midowga Afrika ee…

            Read More

              Laydh La’aan soo foodsaartay Shacabka ku nool Laydhka Dawladda iyo Wakaalladda Laydhka Oo Afka Xidhatay

              Hargeysa9.Oct.2013- (SDN)shacabka ku nool laydhka Ay Xukuumaddu gacanta ku hayso, ayaa Habeenkii saddexaad  ku sugan laydh la’aan ka dhalatay cillad cusub oo soo foodsaartay mishiinadda dabka dhaliya ee wakaallada. Laydhka Dawladda oo u baxa inta badan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa Guryuhu ku madowyihiin, waxana wali aan jawaab bixinin Hay’adda laydhka gacanta ku haysa….

              Read More

                Dawlada Mareykanka oo hakisay dhamaanba lacagihii ay ugu deeqi jirtay dalka Masar

                Washington Oct 09,2013(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa shaacisay xanibaada kaalmadii ciidan ee ay siin jirtay dalka qalaalasaha siyaasadeed hareeyay ee Masar. Xukuumada Madaxweyne Obama ayaa bishii ina dhaaftay ee August hakisay qeyb ka mida miisaniyaadii ay ku kabi jireen ciidamada Masar. Sarkaal diiday in magaciisa la xuso ayaa TVga CNN u sheegay in dawlada Mareykanku hakisay…

                Read More

                  BreakingNews: Jariirada Caalamiga ee Bloomberg oo Sheegtay In Dowlada Culusow Ka Danbeesay Bixitaanka Genel Energy

                  Hargeysa Oct 09,2013(SDN)-Madaxweyne Siilaanyo iyo Dowlada Kulmiye markii ee ka soo bixiwaayeen mas’uuliyadoodii, ayeey waxa eey danbiga saareen muwaadiniinta Somaliland.  Waajibka saaran Siilaanyo iyo Kulmiye hadii ay taladii dalka hayaan waxa ay ahayd inay dalka ka difaacaan Culusoow Iyo Dowladiisa Soomaaliya. Culusow iyo Dowladiisa waxa ay weerarar weyn ku hayaan Qaranka Somaliland.  Culusow waxa uu…

                  Read More

                    Horumarinta iyo shaqa abuurada dhalinyarada waxa ka gaabiyay Ganacsatada Waaweyn ee waxba yaan lagula gal galan dawlada

                    Sidan la wada soconaba waxa imika aad u soo kordhaaya cabasha badan oo ka imanaysa dadka dhalinyarada ah ee Somaliland.   Kuwaasoo badankoodu ka soo baxaan Macahadada, Jamacadaha qaarna ay yihiin dad iska muruq maal ah.  Waxay dadka cabashadoodu ku qotontaa dawladii baa shaqa noo abuuri wayday.  Anigoo arrintaa ka duulaya ayuu dulucda mawduuca maqaalkan waxan…

                    Read More

                      Saleebaan Gaal oo gudkiisii Biyo ugu galeen:dhaqdhaqaaq Xilka Xayuubin

                      Kooxo Xildhibaano ahoo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay abaabulayaanmooshin lid ku ah guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan oo safarcaafimaad xilligan ugu maqan dalka UK. Shirgudoonka golahaasi ayaan ilaahada ka hadal dhaqdhaqaaqyadaasi la sheegay inay wadaan xubno ka tirsan golahaGuurtida. Ilo wareedyo u dhuun-daloola golahaasi Guurtida ayaa tibaaxaya inqaar ka mid ah…

                      Read More

                        “Hadii halkan “Hargaysa” nalaga Cisayn waayay Maxaa Naga Maanacaya inaanu Muqdisho tagno” Dareenka Fanaaniinta Somaliland

                        Hargaysa 08.October 2013 (SDN) Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada jsl Md Maxamuued Axmed bare garaad ayaa Ka Qayb galay Riyaawad lagu Daahfuray magaalada Hargeis  oo ka Hadlaysay Sidii Xukuumada iyo Mucaaridba wax la isla eegi lahaayeen  Isla markaa cidii Khaladan lagu Toosin Lahaa habka is qancinta iyo isu tanaasulka ee bulshada Somaliland ay ku…

                        Read More

                          Xubno Alshabaab ah oo loo Xidhay Gulufkii Dagaal ee lagu ekeeyay Magaalada Baraawe

                          Baraawe 08.October 2013 (SDN)-Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ay Al-Shabaab xirtay saddex ka tirsan maleeshiyadeeda oo ay ku eedeeysay inay xog ku caawiyeen ciidamada Mareykanka ee Sabtidii hore weeraray Baraawe. Mid ka mid ah saddexda maleeshiyo ayay ku sheegtay inuu aad u isticmaali jiray internet-ka, taasoo keentay in…

                          Read More

                            Dugsiga Aadan Quule ee Magaalada Hargaysa oo Shaaciyay inuu ka qayb qaadanayo Dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco(SAWIRO)

                            Hargaysa 08.October 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka ka qayb-galay Marti-qaad ay u fidiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Quulle Aadan Secondary School ee Magaaladda Hargeysa oo noqday Dugsigii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay gacan ka geysan doonan Mashuuraca wadada Ceerigaabo lagu dhisayo ama lagu taageerayo. Waxaanay Ardaydaasi…

                            Read More

                              Borama: Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Soo Xidhay Shir lagaga arrinsanayay baahiyaha Wasaaradaha ee 3 Sanno ee Soo Socda

                              Borama 08.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada qorshaynta jsl md sacad cali shire oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee waasaarda qorshaynta md Cabdirashiid Axmed Guuleed iyo Badhasaabka Gobolka Awdal Md .Cabdoo Axmed Aayar ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu soo gabagabaynayay kulan hawleed ku saabsanaa qorshaha baahiyaha wasaaradaha dawlada sedex sano ee gobolka awdal. kulan…

                              Read More

                                Somalia oo ay Qaramada Midoobay u raadinayso Ciidan la dagaalama Kooxda AlShabaab

                                Nairobi 08.October 2013 (SDN)-Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamo milateri oo dheeraad ah si ay uga saaraan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab deegaannada ay weli haysato oo ay ka mid tahay magaalada Baraawe oo toddobaadkii hore ay weerareen ciidamada sida gaarka u tababaran ee dalka Mareykanka….

                                Read More

                                  Doontii dhawaan ku qaraqantay Xeebta Jasiiradda Lampedusa oo La Xaqiijiyay inaan Somali ku Jirin

                                  Lampedusa 08.October 2013 (SDN)- Waxaa maalmihi la soo dhaafay saxafada soomaalida ay qortey in soomaali badan ku jirtey dooni ku qalibmatey xeebta Jasiiradda Lampedusa ee wadanka Talyaaniga ayaa la sheegaya inaysan doonidaasi ku jirin wax soomaali ah isla markaasna aysan ku jirin tiradda maydadka ah ee laga soo saaray badda kuwaasi oo tiradoodu gaareyso 111…

                                  Read More

                                    Hogaamiyaha Ehlusuna Wal Jameeca ee Gobolada Konfureed oo Cadeeyay inaan amaanka Kismaayo waxba laga qaban karin

                                    Muqdisho 08.October 2013 (SDN)- Hogaamiyaha Ahlusuna Waljameeca ee gobolka Koonfureed Shiikh Maxamed Yuusu Awlibaax oo ka mid ahaa kooxihii soo dhisay Maamulka Juba land ee lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo la xiriria Gobolladda Jubooyinka iyo Gedo. Shiikh Awlibaax oo lagu tilmaami Wadaad mayal adag isla markaasna ka tirsanaa kooxihii…

                                    Read More

                                      Confess achievements if not appreciated.

                                      I am lettering to comment about certain statements and unsubstantiated charges that were raised against others. Consequently, I would like to make available the subsequent series of information, which is comprehensively detailed underneath. First and foremost, the intention of criticism is to see a change for the better for the issue criticized, however when someone…

                                      Read More