Webmaster

    Madaxweynaha Somaliland Oo Isla Caawa Qallinka ku duugay Dhaqan-galka Xeerkii Takaaliifta Waddooyinka

    Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada kuna saxeexan yahay  Afhayeenka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha J.S.land uu dhaqan galiyay Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa Sidan : Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013      ku  dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka….

    Read More

      Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Shaaca ka qaaday inay ka Guulaysteen Kooxdii Argagixisada ahayd

      Nairobi 24.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo caawa shirjaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in Kenya ay ka guulaysatay agagixisadii soo weerartay xarun laga dukaameysto ee ku taalla bartamaha caasimadda Kenya ee Westgate Shopping Mall. Uhuru ayaa sheegay in uu fuliyay wacadkii uu ka qaaday shacabka Kenya oo ahaa in la…

      Read More

        “Idinka ayaa Yaqaan Shacabka Somalilandoow waxaad kula xisaabtamaysaan Xukuumadii iyo Xildhibaanadii aad soo doorateen” Mudane Xoog {DHAGAYSO}

        Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Jaamac Xoog oo ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland isla Markaana ka Mid ahaa Xildhibaanada sida adag uga soo Horjeeday Ansixinta Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka ayaa ka digay Cawaaqibka Xun ee uu dalka ku yeelanayo Xeerkan. Xildhibaan Xoog waxa uu ku dooday in Xeerkan aan la…

        Read More

          Hawlgalkii Xarunta Westgate oo Weli socda iyo Kenya oo Qiratay Askar kaga dhimatay Samato bixinta la haystayaasha

          Nairobi 24.Sep 2013 (SDN)- Saraakiil ka tirsan ciidamada mileteriga dawlada kiiniya ee loo yaqaan (KDF) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in weerarka maalintii 4-aad ka socda xarunta ganacsiga ee West Gate looga dilay 3 askari iyadoo lagu dhaawacay tiro kale oo badan. Warbixinta oo lagu daabacay wargeyska Daily Nation Kenya ayaa lagu…

          Read More

            Ra’isal Wasaare Saacid oo ka Dalbaday Bankiga Barclays inuu ka Laabto Go’aankiisii uu ku Xidhayay Xisaabaadka Xawaaladaha Somalida

            Geneva 24.Sep 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid (Shirdoon) ayaa ka codsaday Bankiga Barclays ee xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, in uu ka laabto go’aanka uu ku doonayo in uu 30 bishan ku xiro akoonnada shirkadaha xawaaladaha ee bangiga ku leeyihiin. Raysul wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed inta badan…

            Read More

              Madaxweyne ku xigeenka oo Furay Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Darajada A

              Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) ayaa maanta ka qayb galay shirweynahii dawladaha hoose ee Degmooyinka A-da ah ee mashruuca GPLG-ga, kaasoo maalintiisii labaad ka soconaya Hotel Ambassador ee Magaalada hargaysa. Shirkan oo ujeedadiisu tahay maamul daadejinta degmooyinka oo ay ka qayb qaadanayaan mayor-ada lixda magaalo ee waaweyn…

              Read More

                “Waxba diidi Maayaan Sidii Bahal WalWaalkii “ Golaha Wakiilada iyo Ansixinta Xeerarka,Aragtida Siilaanyo ee Xiligii Mucaaridka {Faalada Shabakada}

                Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Waa Gole ku Yimid codka rabitaanka Bulshada Somaliland kuna soo baxay doorashadii dabayaaqadii Sannadkii 2005-tii ka qabsoontay Somaliland, Waxay ka soo kala baxeen Sadex Xisbi oo kala ahaa Udub oo haatan Saaxada ka baxay,Ucid iyo Waddani oo ku soo biiray Miidaanka Siyaasada Somaliland kana dhashay Khilaaf ka dhex curtay Xisbiga Ucid…

                Read More

                  Madaxweynaha Xasan Sheekh oo si Weyn loogu Soo dhaweeyay Magaalada Magaalada New York

                  New York 24.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo Afar iyo Labaatankii saac ee la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Ohoi ayaa gaaray magaalada Newyork ee isla dalka Mareykanka,  haalkaasoo uu kaga qeybgelidoono kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya magaaladaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudadii uu…

                  Read More

                    Wasaarada Caafimaadka oo Qabatay Kulan Sadex biloodle ah oo Waxqabadkii qabsoomay dib loogu eegayo

                    Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda caafimaadka ee JSL ayaa maanta qabsatay kulankii sadex biloodka ahaa ee dib u eegista waxyaabahii ka qabsoomay qorshayaashii wasaaradda iyo waxyaabaha qabyada ah oo ay soo raacday waxyaabahii laga korodhsaday mashaariicdii iyo ololayaashii caafimaad ee la sameeyeey mudadaa boqolka habeen ah. Kulankan oo ay oo socon doona muddo labo maalmood…

                    Read More

                      “Shinni Caydha baa dalkii ku degtay,oo dhirtay cunayaan markaa waa inaynu Mudaharaad ka samayno” Cali Guray {DHAGAYSO}

                      Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Ummada Somaliland ka Tacsiyadeeyay ansixinta Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo uu ku Magacaabay (Xeerka Xirsi ee Hanti Urursiga) waxaanu sheegay in xaalad adag uu dalku marayo . Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf…

                      Read More

                        "Waad arkaysaan Cida hantida Ummada ku Majara Habaabiso inay Xildhibaanadu Gacantooda iyo afkoodu is diidaan" {DHAGAYSO} Saleebaan Cali Koore

                        Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka ay u arkayeen Mid aan dan u ahayn Shacabka Somaliland isla markaana ka hor imanaya danta iyo Maslaxda Ummada . Saleebaan Cali waxa uu Tilmaamay In Xukuumada uu Hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ay Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku Asqaysiisay hantidii Ummada isla…

                        Read More

                          Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo Meel adag iska taagay Weerarka lagu qaaday Xarunta Westgate ee Nairobi

                          Muqdisho 24.Sep 2013 (SDN)- Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee bartamaha caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Cabdirisaaq Cali Mire (Al-Ashcari) oo shirjaraa’id maanta ku qabtay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa weerarka…

                          Read More

                            War Deg Deg ah: Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad ah ku Meel Mariyey Xeerkii Xaasaasiga Ahaa Ee Waddooyinka

                            Hargeysa:24-Sep-2013(SDN)-Golaha Wakiilada somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka horumarinta waddooyinka oo maal-mahanba doodiisii socotay. Fadhigii maanta oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  ayaa waxaa soo xaadiray 69 muddane ,waxaana lagu wargaliyey in ay cod u qaadaan Mudanayaashu Xeerkani. codaynta maanta oo la filayey inay kooxaha mucaaradka ahi…

                            Read More