Webmaster

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI oo Fariin Culus Hawada u Mariyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland DAAWO

Boorama 06. July 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, ayaa fariin culus hawada u mariyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ku saabsan hawlahooda shaqo taasi oo ku saabsan siddii dadka looggu fududeyn lahaa hawlaha kaadh qaadashada codbixinta Doorashada. https://www.youtube.com/watch?v=ukH-lwqC3-8

Read More

“Haa Somaliland waan la midoobeynaa hadii ay wax ka bedesho saami qeybsiga awoodeed ee uu maamulka ku dhisan oo beelaha dhamaan Somaliland dega’’ Afhayeenka Baarlamanka Khaatumo

Buuhoodle 06. July 2017 (SDN/QJ):- Mohamuud Sheekh Omar Afhayeenka Baarlamanka Maamulka Khaatumo ayaa ka dhawaajiyey in ay la midoobi doonaan Somaliland hadii ay aqbalaan shuraada ay ka maamul ahaan wataan. Gudoomiye Mohamudd oo wareysi siinayey warbaahinta ayaa sheegey in Somaliland ay la midoobi doonan hadii ay Somaliland wax ka bedeleyso qaab dhismeeda uu iminka ku…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Sida ay Tahay & Socdaalka uu Ku Joogo Dubai DAAWO

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxaweynaha JSL md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa halka uu ka degan yahay Abu Dhabi waxa uu ku soo booqday Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi (director general of Adhabi Fund for development) Md.Maxamed Saif Al Suwaidi. Waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo derder galinta…

Read More

“Maanta Laga Bilaabo Waxaan Halkiisa Ku Laabi Doonaa Fikirkii Laygu Yaqaannay Muddada 25-Ka Sanno Ah, Waxaanan U Labisan Doonaa….” Suldaanka Guud ee Beelaha Gabooye

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee beesha Muuse-dheriyo oo katirsan beellaha Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in uu wax ka bedeli doono nidaamkii iyo hoggaamintii dhaqan ee uu beeshiisa ugu raadinayay xuquuqaha siyaasiga ah ee kaga maqan saaxadda siyaasadda Somaliland. Suldaan Naasir waxa uu sheegay in isaga iyo beeshiisa…

Read More

Murashax Cirro oo Cod Dheer Ku Sheegay in Aan Xoog iyo Dig-dig toona Lagu Fuuleyn Talada Dalka

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in cidina xoog iyo digdig aanay ku fuulayn talada dalka balse cidii Illaahay u qoray ay imanayso, isla markaana shacabka Somaliland ay xaq u leeyihiin inay kala doortaan saddexda xisbi ee tartamaya oo kii ay ku qancaan u…

Read More

‘’Xisbiyadu Ha Ka Dheeraadan Tartan Qabyaalad Ku Salaysan, Oo Umadda Kala Fogeysa, Oo Tartan Ka Madhan Qabyaalad Oo Salka Ku Haya Siyaasada Barnaamijkooda Umadda’’ Xildhibaan Kijaandhe

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Doorashooyinka dhawrka jeer dib u dhacay, iyo saamaynta ay ku yeesheen xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay in dib u dhaca Doorashooyinka ay keeneen inay Beesha Caalamku ka sii fogaadan Somaliland, balse wuxuu rajo wanaagsan ka…

Read More

‘’Marwo Faadumo Siciid May Dul Joogsan Cisbitaalka ay Sheegtay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Jiro’’ Afhayeenka Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa Sheegay in aanu Jirin Xaalad Caafimaad daro oo soo Wajahday Madaxweyne Siilaanyo oo Ku Sugan Dalka Imaaraadka Waxaanu Beeniyey Warar Sheegayay in Xaalada Madaxweynuhu aad u liidato. https://www.youtube.com/watch?v=5JwqhW8dKLY

Read More

Marwo Faadumo Siciid oo Sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo Ku Xanuunsanaayo Imaaraadka+ Marwada Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa Ku Dhaliishay in ay Boob Ku Hayaan Hantida Umadda DAAWO

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Marwada Faadumo Siciid oo ka mid ah Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib socdaal ay ugu maqneyd Imaaraadka, ayaa si weyn wasiiro ka mid ah Xukuumadda iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland ba ugu dhaliishay in ay qarinayaan Madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay in…

Read More

12 Milyan oo Qof oo Galbeedka Iyo Bariga Africa ku Nool oo Sanad walba Dalalkooda ka Haajira & Tirada ugu Badan oo Caruur ah (Warbixin)

New York 06. July 2017 (SDN/QJ):- Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in 12 milyan oo qof oo ku nool Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika ay sanadkasta ka socdaalaan deegaanadooda.iyadoo in ka badan kala badh tiradaasina ay yihiin carruur. Warbixintu waxa ay sheegaysaa in socdaalka ballaadhan ee dadkaasi uu…

Read More

Xulafada Khaliijka oo Heshay Jawaabtii Qatar iyo Sirdoonka afarta Wadan oo Kulmay

Dubai 06. July 2017 (SDN/QJ):- Dalalka Xulafada Khaliijka ayaa sheegay inay Arbacadii Shalay ahayd in ay heleen jawaab celintii Dawlada Qatar ee waxyaabihii ay ka dalbadeen si loo dhameeyo dhibaatada diblumaasiyadeed ee Gobolkaa ka taagan, isla markaana ay ka jawaabayaan wakhtiga ku habboon. Waxana hadalkoodu ku soo beegmay iyadoo Wasiirada Arimaha Dibada ee Dalalka Xulafada…

Read More

Qatar oo Sheegtay in aan Laga saari karin Golaha Iskaashiga Khaliijka

London 06. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Qatar Maxamed Cabdiraxmaan Al-Thani oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada London oo uu booqasho ku joogo ayaa waxa uu ku celiyey in Dawladiisu aanay marnaba uga tanaasulayn madaxbanaanideeda si loo dhameeyo xiisada Gobolka ka taagan. Maxamed Al-Thani oo ka hadlayey aqalka Chattem House ee Magaalada London…

Read More

“Dad badani kolay maanta way naxayaan, waxaan ahaa ololeyahan aad uga dhex muuqda xisbiga KULMIYE. Sacabkaygana waxaa laga maqli jiray xaafadaha WADDANI’’ Khadar Jiilaal DAAWO

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Khadar Xuseen Jaamac oo ku magac-dheer (Khadar Jiilaal), waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada caanka ah ee magaalada Hargeysa, waxaanu caan ku noqday bahda ciyaaraha oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay. Khadar Jiilaal waxa uu ka mid ahaa xisbiyahannada ka qaybqaata ololeyaasha xisbiyada dalka ka jira tan iyo markii…

Read More

7 Qodob oo aynu Si Joogto ah u Samayno Isla Markaana Dhaawac Xun Gaadhsiiya Kalyaheena Iyo Sida aad uga Feejignaan lahayd DAAWO

Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Kelyuhu Waa Xubin Hal bawle u ah qofka kasta oo Bashar ah Isla markaana qabta Shaqooyin Mucjiso ah. Hadaba waxaa Jira qodobo aynu si joogto ah u samayno oo saamayn xun ku keena Kelyaha lana rabo in la joojiyo hab dhaqankaas. https://www.youtube.com/watch?v=Ql7mkDNyIU0

Read More

Dagaalyahanno Al-Shabaab oo Hadh-cad Weerar ku qaaday Booliska Magaalada Pandanguo ee G/Lamu

Lamu 06. July 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Al-Shabaab Dagaalyahanno ka tirsan, ayaa weeraray Saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada lagu magacaabo Pandanguo oo ka tirsan gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxaanay burburiyeen Qalab Isgaadhsiineed oo kala duwan oo Saldhiggaas yaallay. Warbaahinta Maxaliga ah ee Kenya, ayaa ku warrantay in weerarku ka dhacay magaalada Pandanguo oo ka…

Read More

Ciidamada Xasilinta oo Muqdisho Ku Qabtay Rag Hubeesan Oo Dhibaato Ku Hayay Dadka Shacabka ah

Muqdisho 06. July 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen gaari nuuciisu yahay Noah ay la socdeen rag hubeesan oo lagu eedeeyay in ay inta badan shacabka magaalada u geesan jireen dhac xoogan. Burcadan ay qabteen ciidamada xasilinta oo gaarayay afar nin ayaa watay biskoolado ay dadka ku…

Read More

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un Maxuu ka yidhi Guusha Tijaabinta Gantaalka Balaastikada ah?

K.Waqooyi 06. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kuuriya oo ka hadlay Guusha Tijaabinta cusub ee Gantaalka Ridada fog. Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ku sifeeyey gantaalka cusub ee qaaradaha isaga goosha ee nooca Balastikada ah ee ay ku guulaysteen tijaabintiisa inuu yahay hadiyad ay ugu talogaleen Dalka Maraykanka oo ku jira munaasabadii dabaaldega xornimadooda….

Read More

Dowladda Turkey-ga Oo Marakiib Dagaal Oo Hor Leh Sameysanaya, Iyadoo Horay U Heysatay 14 Markab Dagaal!!

Ankara 06. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Ankara ayaa qorsheyneysa in ay iyadu dhisato maraakiibta xanbaara diyaaradaha dagaalka ee meelaha fog fog wax ka duqeeya. Rajab Dayib Erdogan madaxweynaha dalkaasi Turkey-ga ayaa waxaa uu sheegey in ay bilaabeen qorshihii ay uga maarmi lahaayeen caawimaada dhinaca difaaca ah ee dibada, isagoona intaa ku daray in ay dowladiisa…

Read More