“Haddii xaaladda nololeed ee Somalia ay maanta dib u soo laabato, waxaa sii socon doonta dadaallada dhinaca siyaasadda ah ee Turkiga” Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga
Ankara 30.July (SDN) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa sheegay inaan waxba laga bedelayn siyaasaddooda caawinta ah ee ku wajahan Soomaaliya, kaddib weerarkii toddobaadkan algu qaaday xarun ay ku leeyihiin Muqdisho. Davutoglu ayaa hadalkan sheegay isagoo booqanayay dhaawacyadii askarta Turkiga ee ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla xarunta…
