“Xukuumaddi dalka kama talise, ee kooxahan taladii dalka boobay, xukunkii wey ku takri-falayaan, sharciyadii dalkana way ka xuub siibteen, Qaabka ay Golayaasha Deegaanku Isu bedelayaan…’’ Xuseen Axmed Caydiid
Hargaysa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga caanka ah Xuseen Axmed Caydiid,ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu Dastuurkii iyo Sharcigii dalka ay jabiso, siday doontana ka yeesho, waxaanu si gaar ah uga hadlay amarka ay ku joojisay Shirarka aan caadiga ahayn ee ay Goleyaasha Deegaanka, xilli Xildhibaano Golaha Deegaanka Gabiley ay…
