Agaasimaha Wasaaradda Duulista Somaliland oo Shaqadii Ka Caydhiyey Shaqaale Ka Tirsan Madaarka Hargeysa oo Salaamay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Halkaas Ka Soo Degaayey
Hargaysa 01. July 2017 (SDN/QJ):-Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md.Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa gebi ahaan shaqadii ka caydhiyey laba ka mid ah shaqaalaha Madaarka Hargeysa oo magacyadooda la yidhaahdo Xuseen Keyd iyo Cabdifataax Cashuur ka dib markii uu ku soo eedeeyey in maalintii shalay ay Madaarka Hargeysa dhexdiisa ku salaameen guddoomiyaha Baarlamaanka…
