Mishiinka Kelyaha Sifeeya ee cusbatalka Hargeysa oo wadamada deriska looga yimaado iyo codsi wasiirka Caafimaadku u jeediyay bulshada
Hargeysa 28, July 2012 (SDN)- Guddiga cusbatalka guud ee Hargaysa, ayaa maanta ka xog-waramay adeegyada mashiinka Kelyaha sifeeya, kaasoo ay sheegeen in looga yimaado wadamada deriska la ah Somaliland. Agaasimaha cusbatalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo hadal ka jeediyay shirjaraa’id oo ay guddiga Caafimaadku ku qabteen xafiiskooda, waxa uu faahfaahin ka bixiyay…
