Webmaster

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Kulan la qaatey masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka

    Hargeysa April 26,2012(SDN)-Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Rashiid Axmed Maxamed ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Shanta degmo ee caasimada oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud isla markaana lagaga wada hadlayay sidii u u qabsoomi lahaa Tartankii Orodada ee Sannad laha ahaa. Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrrinta…

    Read More

      Wasiirada Hawlaha Guud iyo Beeraha Somaliland oo u kicitimay Mareykanka

      Hargeysa April 26,2012(SDN)-Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle) ayaa maanta u kicitimay dalka Maraykanka halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan xaflado ay jaaliyadda Somaliland ee ku wadankaasi ay ugu dabaal-degayaan 21-sano guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanidda Somaliland ee…

      Read More

        Ururka Suxuyiinta ee SOLJA oo cambeereeyay xadhiga Suxufi ka hawlgala Ceerigaabo

        Hargeysa, 26, April 2012 (SDN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhiga xadhig ay ciidamada ammaanka ee magaalada Ceerigaabo u gaysteen wariye ka hawlgala Telefishanka Royal iyo Wargeyska Waaheen Cabdilaahi xuseen Darwiish oo laba maalmood ku xidhan saldhig ku yaala magaaladdaas. Warsaaxafadeed uu ku saxeexan yahay xogyaha guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax…

        Read More

          Labada dugsi 17 May ee Hargeysa iyo Sheekh Cismaan Nuur Burco oo Tartan Aqooneed dhexmaray

          Hargeysa April 26,2012(SDN)-Labada dugsi ee Todoba iyo Tobanka May ee hargaysa iyo Sh,Cismaan Nuur oo ku yaala magaalada burco ayaa maanta tartan aqooneed ku yeeshay xarunta dugsiga 17 may ee magaalada Hargaysa. Tartan aqooneedkan oo si balaadhan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka, macalimiinta, ardayda iyo marti sharaf kale. Tartan aqooneedkan…

          Read More

            Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Dhameystay kulan Hawleed maalmo socdey

            Hargeysa April 26,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta JSl Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa maanta soo gebagebeeyey kulan hawleed muddo sadex maalmood ah waaxyaha wasaaradda uga soconayey Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa. Kulankan oo ahaa aqoon isweydaarsi ay ka qayb qaadanayeen mas’uuliyiinta kala duwan ee waaxyaha wasaaraddani ka kooban tahay waxaa dib loogu eegayey qorshaha wasaaradeed…

            Read More

              Wefti ka socda dalka Shiinaha oo Somaliland u yimi Maalgashiga Khayraadka Badda

              Hargeysa 26, April 2012 (Qurbejoog.com)- Wefti ka socda shirkado fadhigoodu yahay dalka Shiinaha, ayaa shalay ka soo degay madaarka magaalo-xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil. Weftigan oo ka kooban 9 xubnood oo shirkaddaha Shiinaha ee dhinaca Kalluumaysiga ah, waxa madaarka ku qaabilay wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Mr. Cabdullaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire) iyo guddoomiyaha gobolka…

              Read More

                Gollaha Wasiirada KMG ah oo ka shiray Ansixinta Dasatuurka

                Muqdisho April 26,2012(SDN)- Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, loogana hadlay warbixinta dastuurka, diyaargarawga shirweynaha weyn ee lagu ansixinayo dastuurka,  arrimaha amniga iyo gobollada, dhismayaasha wasaaradda Gaashaandhiga iyo olalaha warbaahineed ee ku aadan wax qabadka dawladda, roadmapka iyo dastuurka. Ugu horreyntii Golaha ayaa waxaa warbixin faahfaahsan…

                Read More

                  Maxkamada Caalemiga oo danbiyo Dagaal ku heshay madaxweynihii hore ee Liberia

                  Hugue April 26,2012(SDN)-Maxkamada Caalemiga ah ayaa goordhaweyto shaacisay in ay denbiyo dagaal ku heshay madaxweynihii hore dalka Liberia Charles Taylor. Maxkamadan oo socotay mudo shan sanadood ah ayaa dhageysaneysay faro gelinta Madaxweyne Talor ee dagaaladii dalka Seira Leone. Maxkamada ayaa goaankeeda ku shaacisay in uu madaxweynahu gacan ka geystay denbiyadii dagaal ee lagalay mudadii u…

                  Read More

                    Munaasabad xalay lagu dhaarinayay Wasiir Cusub oo ka dhacday Xafiiska Gud,Baarlamaanka Soomaaliya

                    Muqdisho, April 26, 2012(SDN)-Munaasabad xalay lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee shaqadda  Shaqaalaha, Isbortiska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya  isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed…

                    Read More

                      Raysal-wasaaraha Pakistan oo Maxkamadi ku heshay dambi dhif iyo naadir ah in Madaxda Dunida lagu xukumo

                      Islamabad 26, April 2012 (Qurbejoog.com)- Raysal-wasaaraha dalka Pakistan Yusuf Raza Gilani, ayaa lagu helay inuu ku talaabsaday fal yasitaan Maxkamadeed ah. Sida ay ku warantay VOA News, Maxkamaddu waxay xukunkan gaadhay Khamiista maanta, ka dib markii ay in muddo ah soo jiitamaysay in Mr. Jilani iska dhego-tiray oo diiday in dib loo furo kiis hore…

                      Read More

                        Jaalliyada Soomaalida Itoobiya oo lagu marti-qaaday Guriga cad ee Minnisota

                        Minnesota, 26, April 2012 (SDN)- Waxaa Guriga Cad ee Minnesiota(White House) oo lagu qabtay Kulan loogu magac daray maalinta Taageerada Waxbarashada Caruurta(Voice for Children Advocacy Day) oo inta badan lagu qabto Stateka Minnesiota lagu martiqaaday Jaalliyadda Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo matalaysay dhamaanba Jaaliyaadka ka jira Minnesiota. Jaalliyadda Soomaalida Itoobiya ee lagu martiqaaday Minnesota State…

                        Read More

                          Sucudiga:Waa Iran dalka Tababarka Ciidan siisa Qoxootiga Soomaalida ee Yemen

                          Riyadh April 26,2012(SDN)-Dawladaha dalalka Sucuudiga iyoIran ayaa saxaafada isu marinayay maalmihii u danbeeyay in midba ka kale uu taageero militry siiyo meliishaadka ku dagaalamaya dalka Yemen. Iran ayaa dhawaan shaacisay in Sucuudigu uu tababr ciidan siiyay 1300 oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen. Jariirada FNA oo ay leeyihiin ciidamada dalka Iran oo xogtan…

                          Read More

                            Xukuumada Axmed Siilaanyo oo Ururada Siyaasada ka gaadhay Ujeedadii ay ka leheyd

                            Hargeysa April 26,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kolkii uu ku dhawaaqayay Furida Ururada Siyaasiga ah ka lahaa Ujeedooyin fog fog oo dhawr ah oo aaney inta badan Raga iyo Dumarka leh damaca Siyaasadeed aaney fahamsaneyn ama ay iska indho tirayeen. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxa u qorsheysnaa in uu meel mariyo qorsheyaal ay isla…

                            Read More

                            Barcelona Iyo Real Madrid oo Hadhuudhlaha Lagu Darey(UEFA)

                            Spain-April 25-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxeynu ku falaqeynenaa horyaalka qaaradda yurub(UEFA) oo Semi Finalkii la soo gabagabeeyey. Barnaamijyadeenii hore aynu ku soo qaadaney afartii wadan ee iskugu soo hadhey Semi finalka waxaana shaley afka ciidda loo darey Bacelona oo difaacanweydey koobka waxaana galabta loogu darey Real Madrid ee maxaa si ka noqdey isbaanishka. Haddaba Akhyaartaay waxaa…

                            Read More

                              Guddomiyaha Gobolka Hawd oo Kulan la qaatay Ardey Jaamacada Hargeysa Ku Jirta

                              Baligubedle April 25,2012(SDN)-Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure oo uu weheliyo Agaasimaha Madaxtooyada Maxamud C.laahi Xarbi ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiska Gudoomiyaha Toban arday oo wax ka barata kuliyada sharciga ee jaamacada hargaysa . kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen maxkamadaha guur guura ee loogu adeego bulshada danyarta ah ee aan awoodin inay…

                              Read More

                                Masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex oo la kulmay tiro Madaxdhaqameeda

                                Hargeysa April 25,2012(SDN)-Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka   Rashiid  Axmed Maxamed Ayaa maanta cuqaasha Gobolka maroodi jeex shir kula yeeshay xarunta wasaarada arimaha gudaha. Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Solna ,Ku simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolka  Maroodi Jeex,Rashiid Axmed Maxamed waxa uu cuqaasha kala hadlay sidii lo xoojin…

                                Read More

                                  Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Somaliland oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Duumada

                                  Hargeysa April 25,2012(SDN)-Wasiirka Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ka qayb gashay Xuska Maalinta Duumada Aduunka,Taas oo maanta laga Xusay Gobolada dalka. Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo Agaasimay waxaa ka qayb galay,Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’adaha La shaqeeya sida UNICEF,WHO iyo Marti sharaf kale oo badan….

                                  Read More