Webmaster

Somaliland: Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Oo Ka Digay Cawaaqibka Ka Dhalan-kara Hab-dhaqanka Xisbiyadu U Marayaan Loollanka Doorashada & Qabyaaladda DAAWO

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa wallaac ka muujiyey hab-dhaqanka siyaasadeed ee tartanka Axsaabta iyo saamaynta uu ku yeelan karo dadka iyo dalka. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo wareysi siiyay Telefiishanka Qaranka (SLNTV) waxa uu si qotto-dheer uga hadlay halista Qabyaaladda iyo tartanka…

Read More

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo Kaadhkiisa Codaynta Doorashada ka qaatay Magaaladda Boorama & Gudoonka Komiishanka oo Ka Hadlay Gunaanadka Wejigii Kowaad ee Qaybinta Kaadhadhka DAAWO

Boorama 05. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici  Iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Ayaa Kormeer Ku Tagay Magaaladda Boorama Kasoo Ujeedadiisu Ay Ahayd Dad Dar Gelinta Hawsha   Qaadashada Kaadhadhka Cod Bixiyaha, Waxaanu Madaxweyne Ku Xigeenku Kaadhkiisa Ka Qaatay Xarun Ku Taala Magaalada Boorama. Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Md Cabdiraxman Cabdilaahi…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Punt Land oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Maamulkiisu ka Hirgaliyey Buuhoodle Kuwo Kalena Dhagax Dhigay DAAWO

Buuhoodle 05. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Punt land C.xakiin Camey oo dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Socdaal ku Joogay Magaaladda Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo ayaa Xadhiga ka jaray Mashaariic Maamul Goboleedka Punt land ka hirgaliyey Buuhoodle. https://www.youtube.com/watch?v=ooU2xFO4OCg

Read More

Dadweynaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadley Joojinta Xuska 18-ka May Ee Sannadkan DAAWO

Burco 05. May 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in Bulshada magaalada Burco ay ka dareen celiyeen sida ay u arkaan go’aanka ay xukuumadda Somaliland sanadkan ku joojisay xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo ah sanad guuradii 26-Aad ee kasoo wareegtay maalinkii dhidibada loo taagan qaranka Somaliland.   Xukuumadda Somaliland…

Read More

Hantidhawrka Guud Oo Amarkii Madaxweynaha Ka Dib Hawlgalo Baadhis Ah Ka Fuliyay Saddex Wasaaradood Iyo Xarumo Dawladeed

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa hawlgalo baadhis oo xisaabeed ka fuliyay wasaarado iyo xarumo hay’adeed oo ah kuwa dawladda dhexe. Warar uu Wargayska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hantidhawrka guud ee qaranku uu ka dib amarkii madaxweyne Siilaanyo hawlgalo aan laga sii war hayn oo hubin iyo baadhis xisaabeed…

Read More

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaado Sharaf Ku Mutaystay Dhiirigelinta Wax akhriska DAAWO

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Naadiyada Wax akhriska ee Magaalooyinka Hargaysa, Burco Iyo Boorama ayaa Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ Doorka uu ka qaato Dhiirigelinta Naadiyadda Wax akhriska.

Read More

Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Lix sano ku xukuno ku riday kooxdii fulisay Qaraxii Djabuuti

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa toddobaadkan Lix sano oo xadhig ah ku riday mid ka mid ah kooxdii ka danbaysay qaraxii kooxda Alshabaab u gaysatay dalka Jabuuti. Ninkan oo lagu magacaabo C/salaan Maxamed Warsame, isla markaana laga soo qabtay Gobolka SOOL, ayaa lagu helay in uu shandadii ay ku jireen Suumamkii…

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaag iyo La-dagaalanka Musuq maasuqa Somaliland oo Iska Casilaya Xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u Igmaday Isagoo Ka Hadlay Musuq Maasuq Baahsan oo dalka ka Jira

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyahii hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee Somaliland Md.Axmed Muxumed Madar sida oo kale na ka mid ahaa aas aaseyaashii xisbiga KULMIYE, ayaa ku dhawaaqey in uu gebi ahaan ba iska casilay xilkii uu u hayey qaranka Somaliland isaga oo ku sababeeyey in dalku uu ku sugan yahay…

Read More

Sool: Ciidammada Qaranka Oo Degay Saax-dheer & Dharkeyn-geeye Oo Beelo Ku Dagaalameen, Maleeshiyaad Halkaa Laga raray Iyo Dedaallada Nabadaynta Beelaha

Laascaanood 05. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa bilaabay fulinta Go’aamo Xukuumaddu Xal ugu raadinayso Colaad u dhaxeysa laba beelood oo dhowr jeer ku dagaalamay Deegaanka Dharkeyn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool. Ciidammada Qaranka oo qodob qodob u fulinaya Go’aammada  Xukuumaddu Xalka kaga gaadhayso Colaadda labada beelood ee Qayaad iyo Baharar-same (Dhulbahante), ayaa waxay ku…

Read More

Shan Qodob oo Golaha Wasiirada Dawlada Federaalku Ku Ogolaadeen Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Hanti dhawrihii Guud ee Qaranka oo Ka Been Sheegay Sida uu u Dhacay Dilkii Wasiir Cabaas Siraaji

Muqdisho 05. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Xalay xilkii laga qaaday hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale. Shir golaha wasiirada xukuumada Somalia ee xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayey wararku sheegayaan iney isku raaceen in xilka laga qaado Hanti dhowrka guud ee Qaranka.   Xilka ka qaadistan lagu sameeyey hanti dhowrka guud ayaa lala…

Read More

Maalqabeen Qarka u Saaran inuu Kaalinta Kowaad ee Haybta Adduunka Ka Riixdo Bill Gates!!!

New York 05. May 2017 (SDN/QJ):- Mulkiilaha shirkadda weyn ee Microsoft Bill Gates iyo Jeff Bezos oo madax ka ah shirkadda caanka ah ee Amazon ayaa loollan adag ugu jira, mid kooda loo aqoonsan lahaa in uu yahay qofka ugu maalqabeensan adduunka maanta. Liiska qiimaynta kala horreynta maalqabeennada adduunka ee ay soo saaraan majaladaha Forbes…

Read More

Masaajidkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Laga Sameeyo Dhagaxa canbarka oo hadba meel Loo rari karo !

Dubai 05. May 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo bandhigay Masaajid cusub oo dhawaan la sameeyay oo ka samaysan dhagaxa loo yaqaano Canbarka, waxa kale oo aad u layaab badan in Masaajidkani uu yahay mid guurguuraya oo hadba meeshii la doono la geyn karo. Masaajidkan ayaa noqday kii ugu horreeyay…

Read More

Damaqa ay Lahayd Qisadii Wiilkii u dhashay Yemen Ee Ku Biirey Millateriga Dalka Israa’iil

Qaza 05. May 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo Israa’iil u diyaargaroobayso xuska sanadguuradeedii 69 ee ka soo wareegtay markii ay boobka ku qabsatay dhulka Falastiin ee la haysto ayaa dhanka kale warbaahinta Wadankaasi waxa ay maalmahii u dambeeyey baahinaysay warar iyo barnaamijyo ku saabsan qisooyin kala duwan oo ay indhaha dadka ku soo jeedinayso gudaha Israa’iil, gaar…

Read More

Odey Noolaa Qarni Iyo Badh Oo Ilaa Iyo Dhimashadiisiina Cabayey Sigaarka !

Indonesia 05. May 2017 (SDN/QJ):- Cimri dherarku waa hadyad Ilaahay bixiyo, sababaha ugu muhiimsan ee qofka Muslimka ahi ku helona waxa ka mid ah Cibaadada Suuban iyo Qaraabada oo la xidhiidhiyo sida ay Diinteena suuban inoo sheegtay, haddaba Dalka Indonesia waxa ku geeriyooday Odey Da’diisu ahayd 147jir oo la filayo inuu ahaa Qofkii ugu Da’da…

Read More

Nin Gacantiisa Ku Qoray Kitaab Qur’aan Ah Oo Dhererkiisu Yahay 700 mitir & Yuhuunta Wanaagsan ee Ka Muuqata

Qaahira 05. May 2017 (SDN/QJ):-Nin reer Masar ah oo waxbarashada iskuulka dhexda ku joojiyay ayaa rajaynaya in uu taariikh sameeyo kaddib markii uu saddex sano qorayay Kitaab Qur’aan ah oo uu rumaysan yahay in uu yahay kan ugu wayn adduunka oo dhan. Ninkan oo lagu magacaabo Sacad ayaa xardhay oo si qurux badan gacantiisa ugu…

Read More