Webmaster

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo Iskaashi Cusub Kala Saxiixday & Iskaashigani Wuxuu Yahay!!

Addis Ababa 23. April 2017 (SDN/QJ):- Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa todobaadkan dhamaadkiisii waxay kala saxiixdeen, heshiis cusub oo taariikhi ah oo dhanka iskaashiga labada dhinac ah gaar ahaan amniga iyo nabadgelyada iyo sidii jawaab looga bixin lahaa caqabadaha iyo isbedelada ku yimaadda hawlgalada nabad ilaalinta. Heshiiskan waxaa labada Hay’adood u kala saxiixay…

Read More

Mid ka Mid ah Telefishanada Imaaraadka oo Barnaamij Socday Lix Saacadood Ku Uruuriyey 45 Milyan oo Dollar oo Loogu deeqay Somalia

Dubai 23. April 2017 (SDN/QJ):- Telefishanada dalka Imaaraadka Carabta ayaa sameeyey barnaamij lix saacadood socday kaasoo loogu magacdarey Somalia for You. Barnaamijkan ayaa loogu ururiyey dadka abaartu saameysey ee Soomaaliya lacag gaareysa 165 Milyan oo dirham oo dhiganta 45 Miyan oo dollarka Maraykanka ah.   Ganacsato iyo maalqabeeno u dhashay dalkaas ayaa si toos ah…

Read More

Xukuumada Aljeeriya oo Soo dhoweysay Barnaamijyada Horumarineed ee Turkigu Ka Wado Dalkeeda

Aljeeriya 23. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Aljeeriya Cabdcasiis Boutafliqa ayaa soo dhoweeyey hanaanka horumarineed ee Turkigu u raacayo barnaamijyadiisa uu ka hirgelinayo Aljeeriya, isagoo Hogaamiyuhu saxiixa ku duugay mashaariicda ay wakaalada horumarinta Dalka Turkigu ka fulinayso gudaha Aljeeriya. Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika  waxa uu meelmariyey heshiis u ogalaanaya Hay’adda Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA)…

Read More

Zambia : Dad aan la garanayn oo Dhismayaasha dawlada Gubaya iyo Xukuumada  oo Xaalada Degdeg ah ku talo jirta.

(Todobaad gudihii waxaa la gubay boqolaal meheradood iyo tobaneeyo dhismayaasha dawladda ah) Zambia 23. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Zambia Edgar Lungu ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii Todobaadkan in uu ku soo rogi doono wadankaa xaalad degdeg ah hadii aanay dadku joojin dhismayaasha dawlada ee ay waxyeelaynayaan. Madaxweynaha oo u Waramayey Wargays ka soo baxa Caasimada…

Read More

Boqorka Dalka Urdun oo Sanduuq uu Ku Istaago Loo Dhigay si uu u dherer Le’ekaado Madaxweyne  Donald Trump oo ay Kulmeen

Washington 23. April 2017 (SDN/QJ):- Dad badan oo warbaahinta kala socday muuqaallada laga soo tebiyey shirkii Jaraa’id ee dhowaan uu boqorka Urdun Guriga Cad kula qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa u qaadan waa ku noqotay dhererka boqorka oo ay arkayeen in uu ku sar go’an yahay joogga madaxweyne Trump oo la og yahay…

Read More

Qaramada Midoobay Oo Cadaysay In Qaxoontiga Ugu Badan Adduunku Ka Soo Jeedaan Waddamada Carbeed Iyo Ku Muslimiinta!

New York 23. April 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa cadaysay in qaxoontiga ugu badan ee Adduunku ka soo jeedaan waddamada Carabta iyo kuwa Muslimiinta, haatana u badan Dalalka Suuriya iyo Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka bisha Cas ee Dalka Jordan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Mudlaq oo ka hadlayay shirkii 42aad ee Bilaha Cas ee Dalalka Carabta…

Read More

‘’Hooyo Kasta oo Uur Lihi Hadii ay Caadaysato Isticimaalka Telefoonka Ilmaha ay Dhali Doontaa Wuxuu Noqonayaa….’’ Digniin Caafimaad

Hargaysa 23. April 2017 (SDN/QJ):- Isticmaalka badan Ee teleefanka Gacanta xilliga hooyadu Uurka leedahay ayaa la sheegay inuu dhibaato gaadhsiin karo ilmaha Uurka ku jira. Deraasad cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa lagu cadeeyay in hooyooyinka aadka u Isticmaala Teleefanka gacanta marka ay Uurka leeyihiin ay had iyo jeer ubadka ay dhalaan noqdaan kuwa…

Read More

Xeel dheere Ku Taliyey in Tigidhka Diyaaradaha la Jar Jaro Marka laga Maarmo & Waxa Kelifaya oo uu Tilmaamay

London 23. April 2017 (SDN/QJ):- Raa’id Ruumi oo ah khabiir u dhashay dalka Kuweyt oo ku takhasusay cilmiga ammaanka iyo Dembiyada Elegtarooniga ah ayaa si aad ah uga digay dadka tigidhada diyaaradaha goostaa aanay iska tuurin tigidhkaas marka ay ka maarmaan, isaga oo sheegay in haddii uu qofku sidaa yeelo in ay suurtogeli karto in…

Read More

Hurdada ka Hor oo Duruusta la akhriyaa Waa Furaha Barashada Afafka Shisheeyaha & Guud ahaan Cilmiga

Hargaysa 23. April 2017 (SDN/QJ):- Qormadan oo ku xidhan tii ka hadlaysay isla hababka waxbarashada fududeeya ee ku soo baxday cadadkii shalay ee boggan Googooska Geeska waxa aynu ku egeynaa sida uu wax-akhriska hurdada ka horreeyaa qofka uga caawiyo waxbarashada guud ahaanteed iyo si gaar ah barashada afafka shisheeyaha. Waqtiga lagu beegayo barashada ama dib…

Read More

12 Astaamood Oo Tilmaamaya Dareenka Ay Leedahay Gabadha Wax Jeceli Haweenay Kasta Oo Wax Jecelna Laga Dheehan Karo!!

Hargaysa 23. April 2017 (SDN/QJ):- Gabdhuhu way kala duwan yihiin dabeecad ahaan, taasina waxay keeni kartaa in ay ku kala duwanaadaan calaamadaha ay u muujiyaan marka ay wax jeclaadaan, balse waxa jira calaamado ay ka siman yihiin: Calaamadaha Ugu Caansan: 1: Xishood: Waa calaamada ugu horaysa waxa ay la soo baxaysaa xishood xad-dhafa ah oo…

Read More

Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasada oo Sheegay in aanay Awood u Lahayn Ka Garnaqista Dacwadii Xisbiga Ucid + Aragtidooda Ku aadan Xadhiga Mas’uuliyiinta Waddani DAAWO

Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Xisbiga Ucid iyo Mas’uuliyiin Kale oo Wehelisa ayaa Maanta ka hadlay Dacwadii uu Xisbiga Ucid u Gudbiyey Guddida diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyadda Qaranka ee Ka Dhanka ahayd Xildhibaano ka Soo baxay Xisbigooda oo Si Cad ugu Biiray Xisbiga Kulmiye, Waxaa Kale oo Madaxda Ucid ka Hadleen Xadhig lagula…

Read More

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo ka qaybgashay kulanka 59aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalxiiska

Addis Ababa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Hay’adda Qurbajoogga Somaliland (Somaliland Diaspora Agency) ayaa kadib martiqaad ay ka heshay UNWTO (World Tourism Organization) iyo Wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Ethiopia ka qaybgashay kulankii 59aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dalxiiska oo lagu qabtay Sheraton Addis Ababa,19-22 April, waxana isugu yimi shirka wufuud ka socotay…

Read More

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dawlada Somalia Oo Maanta Xukun Dil ah Ku Fulisay Askari Booliska Somalia Ka Tirsanaa DAAWO

Muqdisho 22. April 2017 (SDN/QJ):-Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, oo lagu helay in uu si bareer ah u dilay qof shacab ah. Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabayay Axmed Cabdi Maadey ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay…

Read More

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Saaka Kulan Yeeshey Guddoomiyaha Baanka Iyo Nuxurka Kulankaasi DAAWO

Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Naasir Cali Shire,isla markaana ah Gudoomiyaha guddiga ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka Somaliland ee golaha Wakiilada Somaliland oo uu hoggaaminayey guddidaasi ayaa saaka kulan la yeeshey guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland. Kulankan oo ka dhacay xarunta golaha wakiilada Somaliland ayaa intii kulankaasi uu socdey ay saxaafaddu dibed joog ka ahayd,waxaana markii…

Read More

Dawladda UK oo ka Hadashay Shirka Soomaalida ee London,Waxyaabaha Diirada Lagu Saarayo & Arrimo kale

London 22. April 2017 (SDN/QJ):-Heshiiskaas ayaa warsaxaafadeedku ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqeynayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, si ay tartartiib u qaataan masuuliyada hogaanka si nabad loo helo. Warsaxadeedka waxaa lagu xusey in dawlada UK ay door muhiim ah ka qaadanayso taageerada…

Read More

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI oo Madaxtooyada Ku Eedeeyey Xadhiga Siyaasiyiinta WADDANI DAAWO

Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa Madaxtooyada Somaliland la xidhiidhiyey xadhiga siyaasiyiinta ka tirsan Xisbigaasi ee muddooyinkii dambe ku xidhnaa saldhiga dhaxe ee Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in xadhiga siyaasiyiintaas ay ka dambeyso Madaxtooyada Somaliland isaga oo digniino adag u diray isla mar ahaantaana sheegay in aanay aqbaleyn in…

Read More

“Waxaan Xaqiijineynaa Cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa” Madaxweynaha Hirshabeele

Muqdisho 22. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kaddib safar uu kaga yimid Magaalada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Qaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dagayay Magaalada Jowhar, hase ahaatee maanta aan ka…

Read More

Wasiir Ku Dhici Waayey in uu Cadeeyo Taageerada Xisbiga KULMIYE Ka Haysto Gobalka Awdal+ Shaki iyo Madmadow uu Geliyey in ay Cod Ka Keeni Karaan Gobalkaas iyo Sababta DAAWO

Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa ka gaabsaday su’aal laga weydiiyey taageerada in uu caddeeyo taageerada isaga iyo siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ugu jira Xukuumaddu ay ka hayaan gobalka Awdal maadaama beryahan dambe ay si aada u soo shaac baxaysay in gebi ahaan ba cududii taageero ee gobalka Awdal uu la wareegay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan La Yeeshay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada & Mar Kale oo La Hakiyey Shaqaalihii Cusbaa ee Dawladu qaadanaysay DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha qaranka Somaliland Md.Sharmaarke Geelle, ayaa ku dhawaaqey in ay hakad-geliyeen qaadashaddii iyo weli ba sida oo kale qoristii shaqaalaha cusub ee dawladda, waxaana uu carabka ku ballaadhiyey maadaama oo wakhti adag lagu jiray ay talo ahaan isla garteen in dib loo dhigo wakhtiga qaadashada shaqaalaha dawladda. Sharmaarke Geelle, ayaa…

Read More