Xoolihii Somaliland Oo 60% Ku Baxay Abaarta Iyo Qorshe Lagu Samato-bixinayo Inta Hadhay Oo Madaxweynaha Loo Gudbiyey
Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Boqolkiiba Lixdan ka mid ah Xoolihii Somaliland ku baxeen Abaarta Adag ee Muddada Dheer ka taagan Gobollada bariga Somaliland. Xukuumaddu waxay sheegtay in Xilligan oo Roobabka Gu’gu ka curteen deegaanno Dalka ka mid ah in Gurmad ballaadhan la galo sidii loo daaweyn lahaa…
