Webmaster

Kaamirooyin Qarsoon oo lagu xiray xarunta lagu qabanayo Doorashada iyo Ujeedka ka dambeeya oo la ogaaday

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Warar lagu kalsoonaan karo oo Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV lagu xiray qeybo badan oo kamid ah xarunta lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Kaamirooyinkan ayaa si gaar ah loogu xiray qeybo kamid ah hoolka Doorashada ayka dhaceyso ee ku taala xerada Ciidanka Cirka ee…

Read More

Labo Musharax oo Isku Beel ah oo Midkood oo loo saadaalinayo in uu ku guulaysan doono Madaxweynaha Somalia

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ay sameenayaan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ,waxaana mashquul xoogan laga dareemayaa qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho iyo xarumaha ay degan yihiin Musharaxiinta.   Doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in 8-da bishan oo beri ku beegan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho…

Read More

Musharax Madaxweyne oo Baarlamaanka u balan qaaday in uu Xajka wada geyn doono hadii ay doortaan

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):-  Waxaa Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho Khudbado ka jeediyay qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo Baarlamaanka ka hor aqrinayay waxa u qorsheesan in ay qabtaan marka ay xilka la wareegaan. Musharaxiinta Madaxweyne ee Khudbadaha ka hor jeediyay Baarlamanaka Federaalka ayaa mid waliba waxa uu…

Read More

Hoolka lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la diyaariyay!!

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diyaariyay hoolka loogu tala galay in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo lagu wado in la doorto 8-da bishan Febraayo.   Doorashada ayaa lagu qabanayaa hool weyn oo kuyaala saldhigii ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Afisiyooni, waxaana maanta halkaasi gaaray xubno kamid ah…

Read More

Duulimaadyada Garoonka Aadan Cadde oo Hakad la galiyay iyo Wasiir Gaadiidka oo ka hadlay

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Duulimaadyada garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa hakad la galiyay maalinta arbacada ah ee ku beegan 8-da bisha Febraayo , waxaana maalintasai meel ku dhaw garoonka ka dhacaya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa sheegay in Maalinta Arbacada…

Read More

Maxaa ka jira in Mid ka mid ah Musharaxiinta Madaxweyne uu u tanaasulayo Madaxweyne Xasan ? AKHRI

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Musharaxa Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees kana mid ah Ragga ugu cad-cad musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynenimo ayaa si weyn u beeniyey war baraha internetka qaarkood lagu faafiyey oo sheegayey inuu ka tanaasulayo tartanka doorashada taasoo uu ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona laheyn….

Read More

Xaruntii loo qorsheeyay in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Somalia oo Goob Kale Loo Wareejiyey & Damaca Is Hirdinaya ee Murashixiinta

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Musharaxiin badan oo u taagan Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ay soo jeediyeen in xarunta Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Iskool Buluusiya laga wareejiyo in lagu qabto Doorashada Madaxweynaha. Musharaxiintan ayaa codsi u diray Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada Madaxweynaha, waxa…

Read More

Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland oo Amaro adag dul Dhigay Wadayaasha Gaadiidka Sidoo Kalena Fariin u diray Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha ciidanka nabad-galiyada wadooyinka Somaliland ahna afhayeenka booliska Faysal Xiis Cilmi ayaa amaro adag dul dhigay wadayaasha gaadiidka.   Isaga oo  ku amray inay soo qaataan liisanada iyo buugaagta taasi oo ay kaga badbaadi karaan dhib kasta oo ka hortimaada, waxaanu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayay Tv-ga…

Read More

Maxaad Ka Taqaanaa Xanuunka Halkii Milyan Ee Qofba Ku Dhaca Qof Kaliya?

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Dhakhaatiirta Dalka Britain ayaa waxay xaqiijiyeen xanuun muddo dheer ka jiray Dunida oo aanay cid badani ogeyn oo halkii Milyan ee qof ba ku dhaca Qof kaliya. Xanuunkan oo la yidhaa BPAN ayaa la ogaaday sanadkii 2016 kii, waana xanuun ku dhaca Maskaxda sidoo kale waxay dhakhaatiirtu sheegeen in xanuunkani…

Read More

Jilaagii Caanka Ahaa Ee Frederick Jay Oo Gacantiisa Isku Dilay, Kuna Soo Bandhigay Facebook !

London 07. February 2017 (SDN/QJ):- Jilaagii caanka ahaa ee Frederick Jay ayaa geeriyooday kadib markii uu gacantiisa isku toogtay, jilaagan oo ay Da’diisu ahayd 33 jir ayaa waxa uu ku soo bandhigay inuu is Dilli doono barta uu ku lahaa Facebook, waxaanu ogeysiiyay tageerayaashiisa inuu go’aansaday inuu is Dilayo. Arrinta aadka u layaabka badan ayaa…

Read More

Wiil 18 Jir Ah Oo La Filayo Inuu Dhawaan Noqdo Ninka Ugu Dheer Adduunka !

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Wiil dhallinyar ah oo la yidhaa Brooke Brown, Da’diisuna tahay 18 jir, dhererkiisuna yahay yahay 2,32 Mittir, sanad kastana waxa ku kordha dherer dhan 15cm guud ahaan ragga ku nool dunida ayaa waxa la xaqiijiyay in koriinka jidhkoodu uu istaago marka ay Da’doodu gaadho 22 jir, balse wiilkan dhallinyarta ah…

Read More

KULMIYE Oo Madal Ilyartu Is-qabatay Ugu Fooladeeyey Midowga Dhexmaray Garabkii New UCID/SAWIRO

Hargaysa 06. February 2017 (SDN/QJ):-Xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa madal ilyartu is-qabatay ku qaabilay garabkii NEW UCID ee uu hoggaaminayey murrashaxii jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga KULMIYE maanta. Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay hoolka wayn ee huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay…

Read More