Muqdisho: Musharaxiin madaxweyne iyo xildhibaanada oo caawa aan kala Seexanayn ,Ololaha Doorashada oo sii xoogeystay & Murashixiin u Tanaasulay Xasan Sheekh
Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):-Iyadoo saacado kooban ay naga xigaan xiliga ay bilaabaneyso doorashada madaxweynaha oo beri ku beegan ayaa musharaxiinta ku tartamaya xilkaas waxay caawa wadaan ololahoodii ugu dambeeyey. Kulamo adag ayaa waxay ka socdaan qaar ka mid ah hotelada iyo xarumaha ay ku sugan yihiin xildhibaanada baarlamanka, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin musharaxiinta…
