Webmaster

Wasiir Caddaani Oo Dhegxumadii Ugu Foosha Xumayd Iyo Fadeexad U Horseeday Warbaahinta Dawladda JSL + Mucaarid Iyo Muxaafidba Oo Isku Raacday Inay Ceeb Ku Ahayd Qaranka Codadkii Laga Baahiyay Warbaahinta Dawladdu

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dhacdadii Ugu Foosha Xumayd ee Bulshada Somaliland ka fajacisay ee ay si isku mid ah uga soo wada horjeesteen,la iskuna raacay Mucaarid iyo Muxaafid inay qalad ahayd in laga siidayo Warbaahin Dawladeed ayaa waxa ay noqotay Codadkii dadka shacabka ah laga soo qabtay ee Todobaadkan laga siidaayay TV-ga Qaranka iyo…

Read More

Ma Dhabaa In Bakhaarkii Dhawaan Ciidanku Ka Soo Qab-Qabteen Ragga Argagaxisada Ah Loo Tuhmay Inay Ka Dambeeyaan Ganacsato Ka Hinaastay Qiime Dhimis Shirkadaasi Samaysay?

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Afar Caano Maal ayaa ka soo wareegay markii ay Ciidamo ka tirsan kuwa Bilaysku Salaad hore Hawlgal ka fuliyeen Bakhaar ganacsiyeed kuyaala Badhtamaha Suuqa Hargeysa oo lagu magacaabo Safa Group,halkaasi oo markii dambe ay ka soo kaxeeyeen tiro kor u dhaafaysa Illaa shan ruux oo rag ah,kuwaasi oo iskugu jiray…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo Si adag uga Dayriyey Nolosha Barakacayaal ka Soo Hayaamay Gobolada Bari oo Ku Sugan Jiido ka tirsan Gobolka Awdal & Nolosha Hiilka Leh ee ay Rabaan DAAWO

Borama 03. January 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka G,Awdal Mustafe Shiine ayaa si weyn uga dayriyey Xaalada ay Ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacay bariga somaliland ee Xaalada abaareed ka Taagan Tahay Kuwaas oo soo gaadhay deeganada Gobolka Awdal.

Read More

Cisbitaalka Weyn Ee Hargeysa Oo Qaylo Dhaan Kasoo Yeedhayso,Maxaase Ka Jira In Bukaano ay U Dhinteen Oxygen Qaab Qaldan Loogu Xidhay Oo La Isku Haysto?

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Qaar kamida bukaan jiifka cusbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa ayaa wargeyska Foore u sheegay in dhakhtarka Weyn ee Hargeysa uu marayo halkii ugu hooseysay marka loo eego adeeg la’aanta baahsan iyo jahawareerka dadka bukaanka ah ee daawo la’aantu ku hayso,waxaana sidoo kale laga soo sheegaya dhacdooyin argagax leh oo si…

Read More

Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia oo la shaaciyay (Akhriso Jadwalka)

Muqdisho 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xiliga rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.   Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa lagu shaaciyay in Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya la qabanayo 11-ka bishan Janaayo, halka Gudoomiye kuxigeenada…

Read More

Booliska Turkiga oo Weli Raacdo Ugu Jira Sidii ay u Soo Qaban Lahaayeen Ninkii dadka Ku Laayay Istanbul

Istanbul 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya ninkii ka dambeeyey toogashadii dalkaasi ka dhacday.iyadoo magaalada istanbul ee weererku ka dhacay lagu qabtey baroor-diiq iyo Aaska dadkii dhintey. Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay 39 qof waxaana ku dhaawacmay dad gaadhaya ilaa 45 qof. Dadkan la laayay ayaa ku jiray goob lagu caweeyo habeenkii…

Read More

Madaxweynaha Waddanka Ganbia oo Laga Furfuri la’yahay Doorashadii Lagaga Guulaystay & Urur Goboleedka Galbeedka Africa oo Wakhti Kooban u Qabtay

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Gambia Yaxye Jamac ayaa u muuqda inaanu diyaar u ahayn inuu xilka ku wareejiyo Ninka kaga Guuleystay doorashadii madaxtinimadda ee dalkaasi ka qabsoontey bishii Decembar ee kal hore. Urur Goboleedka dalalka galbeedka afrika ee  ECOWAS ayaa ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan hadii uu ka tanaasuli waayo…

Read More

Wafti U Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay dalka Baxrayn & Ujeedada Socdaalkooda

Bahrain  03. January 2017 (SDN/QJ):- Jaaliyada Somaliland ee dalka Baxrayn ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo, Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Mohamed Adan Ibrahim ‘Qabyo- tire’’  xubnana ay ka yihin Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mudane, Xasan Daahir iyo Wasiir ku xigeenka  wasaarada madaxtooyada, Axmed Xaashi Cabdi oo socdaal…

Read More

Maamulka Myanmar oo Balan qaaday inay Sharciga Marin doonaan Askari Boolis oo Si Xun u Jidh Dilay Muslimiinta Rohinga

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Myanmar ayaa balanqaaday inuu tallaabo qaadi doono. Ka dib markii la baahiyay muuqaal muujinaya askari boolis ah oo garaacaya rag muslimiinta Rohinga ah. Dowladdu waxay sheegtay in dhacdadaasi ay dhacday bishii November  kana dhacday gobolka Rakhine. Maamulka Myanmar ayaa marar badan sheegay in boolisku ay raacaan sharciga iyo qaanuunka….

Read More

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya oo Fadeexado Musuq Maasuq Dul Hoganayaan

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Fadeexadda musuqmaasuqa lagu eedeeyey madaxweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa waxa ay horseeday in dalka Denmarka lagu qabto qof kale oo lagu tuhunsan yahay inuu xidhiidh la leeyahay arinkaasi. Chung Yoo-ra ayaa dalka Denmarka lagu xidhay waxaana loo haystaa inuu sharcidaro ku joogay Dalkaasi Fadeexadan musuqmaasuqa ah ayaa hadhaysay dalkaasi Koonfurta Kuuriya…

Read More

Orod Yahanka Caanka ah ee Mo Faarax oo Gaadhay Darajada Ugu Saraysa ee Boqorada Ingiriisku Bixiso & Dareenkiisu Siduu Yahay DAAWO

London 03. January 2017 (SDN/QJ):- Boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa habka ugu sareeya ku maamuustay orod-yahanka caanka ah ee Mohomed Faarax Waxaana sida la sheegay uu Mohamed Faarah noqon doona “Sir Mo Farah” waxaanu ka waramay darajadan la siiyay iyo qiimaha ay ugu fadhido. https://www.youtube.com/watch?v=0VqzkGox95g

Read More

Derajada Shimbir Ugu Sarreeya Ciidammada ilaalada Jamhuuriga Dalka Norway oo Mucjiso noqotay

Oslo 03. January 2017 (SDN/QJ):- Shimbirka lagu magacaabo Nils Olav ayaa madax ka ah ciidanka ilaalada Jamhuuriga ah ee dalka Norway (Republican Guard in Norway). Shimbirkan oo ah nooca Shimbir-badeedda loo yaqaan ayey Derejadiisu tahay Kornayl (Colonel). Arrintan ayaa ka mid aha arrimaha yaabka leh ee Dunida ka dhacay ama lagu arkay, waxaana la sheegay…

Read More

Booliska Somaliland oo Heegan Nabadgalyo La Geliyey,Digniin Loo Diray Xisbiyada Siyaasada Isla Markaana ay Sheegeen inaanay u Dul qaadan Doonin in Warbaahinta lagu Wada Hadlo+ Dareenka Shacabka oo Isweydiinaya Sababta Xiligan Hawlgalka Keentay

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka ayaa la Geliyey Heegan Buuxa oo dhanka Nabadgalyada ah. Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Saxaafada la hadlay ayaa Sheegay in Sababta Heegankan keentay ay la xidhiidho Xoojinta nabadgalyada Waxaa kale oo ay Xuseen inay Ciidamadu soo qabqaban doonaan Shakhsiyaad…

Read More

Xisbiga WADDANI oo Shir-qool Siyaasaddeed Ku Tilmaamay Xadhiga Ambassador Safina+ Ganacsade Reer Somaliland ah oo ay Ku Eedeeyeen Xadhigaas DAAWO

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyey xadhiga xoghayahii Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa dawladaha Carabta Ambassador Axmed Safiina oo shalay galabnimaddii loo tabaaxay xabsi ku yaala dalka Kenya, waxaana Xisbiga WADDANI uu xadhigaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isla mar ahaantaana ah cadaawad foggaatay oo ka talowday…

Read More

Miisaaniyada Qaranka ee 2017 oo Golaha Wakiiladdu Duuduub Ku Ansixiyey & Buuq Hadheeyay Fadhigii Maanta DAAWO

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Waxaa Hadheeyay Buuq ka Dhashay Ansixinta Miisaaniyada qaranka ee 2017 Kadib Markii la soo Jeediyey Laba aragtiyood oo Odhanaya In Miisaaniyada Duuduub Lagu Ansixiyo iyo in laga Doodo. https://www.youtube.com/watch?v=fG0C5uNZuVs&feature=youtu.be

Read More

Sagaal Bilood Ka Hor Qodobo ay Ku Heshiiyeen Wasiirka Warfaafinta & Saxaafada Somaliland oo uu Buriyey Wasiir Caddaani Iyo Cidhib Xumida ay Keeni Karto DAAWO

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Waxay ahayd 3 bishii March ee Sannadkii Tegay ee 2016 Markii uu Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacygelint Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani Kulan la qaatay Mulkiilayaasha Saxaafada Madaxa bannaan Isla Markaana ay Isla qaateen in Guud ahaanba La Joojiyo Baahinta Wararka Beelaha ee Kicinaya Bulshada Isla markaana wax u dhimaya…

Read More

Booliiska Waddanka Holland oo Wax Xil Leh Ku Sameeyay Wiil Marookaan ah oo mudo dheer Nafta u keenay !! DAAWO

Holland 02. January 2017 (SDN/QJ):- Wiil Marookaan ah kana soo jeeda qoys lacag leh ayaa mudo dheer waxaa quus ka taagnaa ciidamada booliiska dalka Holland kaas oo si xoog ah ku mari jiray wadooyinka xiran iyo kuwa leerka gaduudan uu shidan yahay ee ishaarada.   Wiilkaan oo wadan jiray gaari qaali ah gaar ahaan nuuca…

Read More

Odayaal uu Soo Abaabulay Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Magaalada Burco Kaga Hadlay Dhawaqyo Naxdin Ku ah Ummada Somaliland DAAWO

Burco 02. January 2017 (SDN/QJ):- Madax dhaqameedka Aqoon-yahanka iyo Waxgaradka Deegaanka Cali Ciise ee Gobolka Togdheer oo Warbaahinta Dawlada la hadlay ayaa Sheegay inay Gef tahay in la Aflagaadeeyo loona hanjabo Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Warkan ayaa Laga Baahiyey Idaacada Radio Hargaysa Iyo Telefishanka Qaranka Kaas oo Laf Jab ku ah Milgaha Saxaafada Maadaama uu Kicinayo…

Read More

“Xidhiidh Fiican Oo Iskaashi Ayaanu Leenahay Somaliland Iyo Somaliyaba, Waxaanan Isticmaalnaa Dekedaha Djibouti, Berbera Iyo Kuwa Kale Ee Gobalka” Raysalwasaare Hailemariam Desalegn DAAWO

Addis Ababa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada dhinaca dekedaha ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in dalkiisu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhammaan dalalka gobalka Geeska Afrika. Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo toddobaadkan u waramay telefishanka Aljazeera, ayaa waxa la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan…

Read More