Webmaster

Dowladda Federaalka Somalia oo wadda qorshe ay ku joojinayso Qaadka ka yimaada Kenya,Maxay Sababtu Tahay?

Muqdisho 01. January 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Somalia ayaa wada qorshe ay ku joojinayso mar labaad qaadka ka yimaada dalka kenyo oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii xukuumadda Nairobi ay tixgalin wayday hashiiskii labada dal ay wada gaareen 13-kii bishii September, 2016 ku gaareen magaalada Muqdishu. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Somalia…

Read More

90 Xubnood oo Lagu Dhaariyey Magaalada Laascaanood,Go’aamo laga soo Saaray Laba ardaa oo Shaqaaqo dhex martay & Dooda Xukuumadda Iyo Kulmiye DAAWO

Laascaanood 01. January 2017 (SDN/QJ):- Weftigii uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Magaalada Laascaanood kaga qayb galay Kulan lagu dhaarinayay 90 Xubnood oo ka mid ah Haldoorka Laba ardaa oo shaqaaqo ku dhex martay Koonfurta Gobolka Sool.

Read More

Madax dhaqameed ka horyimid heshiis dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland & Waxyaabaha ay Saluugeen Akhri+DAAWO

Buuhoodle 01. January 2017 (SDN/QJ):- Dubabka dhaqanka beelaha dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka horyimid wadahadalka iyo hishiiska dhexmaray maamullada Khaatumo iyo Somaliland.   Madax-dhaqameedkan oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socdey tuulo lagu magacaabo Cadcadka (Higlada) oo 40KM Bari ka xigta magaalada Laas-caano ayaa waxa ka qaygalay 8 madax dhaqameed iyo…

Read More

Siyaasi C,rashiid Xasan Mataan oo Fariintii Siyaasadeed ee Ugu Wanaagsanayd Ku Khatimay Sannadkii Dhamaaday ee 2016 Isagoo u Diray Gudoomiyihiisa Cirro iyo Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Boorama 01. January 2017 (SDN/QJ):- Cabdirashiid Xasan Mataan Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani ayaa ka ka falceliyey dhawaqyo kaga Yimid Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye isagoo Si Gaar ah Fariin ugu diray Murashaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi. Sidoo Kale Wuxuu Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan Fariin u diray Murashaxa Xisbiga Waddani C.raxmaan Cirro. “Muuse…

Read More

Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo Fariin u dirtay Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen & Taageerayaashii Garabkiisa ee Kala Qaybsamay DAAWO

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo Ka Mid ahayd Garabkii uu Hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadashay asbaabihii keenay u kala jab ku dhaco garabkii Jamaal Cali Xuseen oo u Kala Goosmay Qayb sheegta inay Ku Biirayso Xisbiga Waddani Iyo Qayb Kale oo Shaacisay inay la bahoobayaan Xisbiga Kulmiye. https://www.youtube.com/watch?v=OhN1OGShJGc&feature=youtu.be

Read More

“Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’hararsame) waxaynu u baahan nahay inaad dhawrtaan dhaleeyada, dhaqankiina iyo dhiig wadaagtiina, Waa inaad dhiiga dhexdiina joojisaan.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Laascaanood 01. January 2017 (SDN/QJ):- Waxa Shalay Galab lagu dhaariyey min 45 oday oo ka kala tirsan labada ardaa ee Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’hararsame) kuwaas oo Colaadi ku dhex martay Koonfurta Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Dharkayngeeye dadna kala laayeen, ilaa hada ay ku kala dhex jiraan Ciidamada qaranka Somaliland. Dhaartan waxa…

Read More

Warbixin Naxdin leh oo ka hadlaysa Xaalada Nololeed ee Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka Xili ay Hargaysa ka dhacayso Dhaxantii ugu darnayd DAAWO

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Waxay Warbixintani ka hadlaysaa Dadka Wehelka la ah Xannuunadda Maskaxda ee Ku Nool Somaliland Gaar ahaan Magaalada Hargaysa oo Xiligan ay Wakhtiyada habeenkii ay aad ugu badan tahay dhaxantu,Dadkani ma helaan daryeel nololeed. https://www.youtube.com/watch?v=ANbl0lWFzMs&feature=youtu.be

Read More

“Ninka Somaliland wax ka sokeeya wadoow adeer iska daa’ Talada Dadkan.”Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland kula taliyey inay Ummadda ka daayaan Khilaafaadka, si looga baaqsado Mushkilado amni daro oo Dalku waajaho. Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Ninka Maanta ku baaqaya in Dadka Qabaa’il loo kala fadhiisiyo, oo Reero laga sheekeeyaa wuu dhacay, oo…

Read More

Xog-Warranka Askari Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Ka Dayriyey Heerka Uu Marayo Isticmaalka Xashiishaddu Iyo Gabdho Qaaqaawan Oo Ay Qabteen Iyaga Oo Xashiishad Cabaya!

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Askari ka tirsan Booliska Somaliland ayaa mar uu la hadlayay dadweyne ku tukanayay salaaddii Jimce masaajiska Boqol Jirka ee Caasimadda Hargeysa waxa uu ka warramay heerka naxdinta leh ee uu dalka ka marayo isticmaalka Maandooriyaha gaar ahaan xashiishaddu isaga oo soo qaatay dhacdooyin layaab badan oo uur-ku-tallo ku reebay dadweynihii…

Read More

GURMAD: Milicsiga Tix Abwaan Gaariye Ku Dardaaray Musharrixiintii Doorashadii 2005-tii & Ififaalaha Maanta Taagan

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Wuxuu leeyahay ninkii sidaa sameeyaa wuu eedayaa. Wuxuu kaloo tilmaamayaa in aan gari laba ruux ka wada qoslin ee kolleyba mid uun helayee, kiina laga helo inuu samro, kuna qanco natiijada. Wuxuu kaloo leeyahay caddaaladda iyo garsoorku waa muhiime, yaan xaqa iyo xormaynta laga tegin. Wuxuu yidhi: Tixdan Gurmad wuxuu…

Read More

Wefdi Uu Hoggaaminayo Musharraxa Madaxweyne Ku-Xigeen Ee X.WADDANI Oo Hoygiisa Ku Booqday Abwaan Af-Gudhiye Oo Borama Ku Xanuunsanaya DAAWO

Boorama 01. January 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo uu u jiifey beryahanba Abwaan Af-gudhiye xanuun daashadey ayaa waxaa magaalada Boorama Hoygiisa uu ku deggan ku booqdey Musharaxa madaxweyne ku-xigeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi,Waxaana ku weheliyey booqashadiisa Xog-hayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Pro.Cabdirashiid Xassan Mataan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI….

Read More

Eedayn Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyay Maayarka Saylac Iyo Maayarka Oo Iska Difaacay, Sheegayna In Laga Been Sheegayo Oo Aanu Lunsan Xoolo Umaddeed

Saylac 01. January 2017 (SDN/QJ):- Maayarka Golaha Deegaanka Degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo Musuq Maasuq oo loo jeediyay kaasi oo ku saabsan Lacag dulsaar ah oo la sheegay inuu dul dhigtay Guriga Martida Magaaladda Lawyacado oo dib hayn lagu sameeyay. Waxa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qandaraaska siiyay…

Read More

“Wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimid ee oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin lahayd inuu maanta heerkan soo gaarayo, Waa riyo rumowday,” Mo Farax

London 01. January 2017 (SDN/QJ):- Orodyahanka Somali-Birtishka ah Mo Faarax ayaa lagu daray diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay ka dib markii uu ku guuleystay bilado badan oo dahab ah.   Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii…

Read More

2017 Hambalyada Bahda Qurbejoog.com; “Qaar Kaa Horreeyoo Hodanaa Na Dhaafee Adna Hogol Da’aysiyo..”

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan Hawl-wadeennada kala duwan ee Warbaahinta Qurbejoog.com, waxay Hambalyo iyo Bogaadin Hawada u marinayaan guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogto, bilawga sannadka 2017-ka ee  kawda ah awgii. Waxaannu leeyanahay Hambalyo….. Hambalyo….. Hambalyo,  Allaah sannadkan sannadkiisa…

Read More