|

Booliska Somaliland oo Heegan Nabadgalyo La Geliyey,Digniin Loo Diray Xisbiyada Siyaasada Isla Markaana ay Sheegeen inaanay u Dul qaadan Doonin in Warbaahinta lagu Wada Hadlo+ Dareenka Shacabka oo Isweydiinaya Sababta Xiligan Hawlgalka Keentay

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka ayaa la Geliyey Heegan Buuxa oo dhanka Nabadgalyada ah.

Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Saxaafada la hadlay ayaa Sheegay in Sababta Heegankan keentay ay la xidhiidho Xoojinta nabadgalyada Waxaa kale oo ay Xuseen inay Ciidamadu soo qabqaban doonaan Shakhsiyaad aanay Magac dhabin oo Warbaahinta hadalo isku dhaafsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Sheegay in Ciidanku dhex u yahay Xisbiyada Siyaasadda isagoo dhanka kalena ugu baaqay inay ka dhawrsoonaadaan hadalada Xamaasada Keenaya Waxaanu intaas ku daray inaanu Ciidanku u Dulqaadan doonin Taageerayaasha Xisbiyada ee Warbaahinta ka wada hadlaya.

Geesta kale Tiro aad u badan oo Ka Mid ah Gaadiidka Booliska ayaa Gaaf wareegayay Xaafadaha Caasimada hargaysa Kuwaas oo dareen galiyey Bulshada.

Comments are closed