Webmaster

Duqay ay Dawladu soo Abaabushay oo Sheegay inaanu Matalin Ugaas C.raxmaan Diiriye oo Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay u Xidhnaa Kadib Markii uu Taageeray Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Duqayda Deegaanka War Cimraan ayaa Sheegay inaanu Matalin Isla Markaana Jirin Meel Lagu doortay Ugaas C,raxmaan Diiriye X. Ibraahin oo Todobaadkii Tegay lagu Xidhay Magaalada Burco Kadib Markii Xubno uu Hogaaminayo oo ka soo Jeeda Beeshaasi ay Taageereen Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Read More

Wadahadal Foolka Fool Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen Iyo Saadasha Xisbiga Uu Ku Aarsan Karo

Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Garabkii Xisbiga UCID ee uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ayaa la filayaa inay ku biiran Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, in kasta oo ay wadahal la fureen labada Xisbi hadana waxay wararka ku dhaw dhaw garabka Jamaal sheegayaan in Xisbiga WADDANI yahay midka ay cududooda ku biirin doonaan Murashaxa Xisbiga…

Read More

Shacab Waddanka Maraykanka Oo Ku Qamaamay Hantida Qaaliga ah ee Madaxweynaha La Doortay Donald Trump & Cabsi la Soo Deristay Shaqaalihii Hantidiisa Maamulayay DAAWO

New York 17. November 2016 (SDN/QJ):- Magaalooyinka ugu caansan gudaha dalka Maraykanka waxaa wali ka socda Banaanbaxyo balaadhan oo ay dhigayaan shacab cadhaysan kuwaas oo ugu dambeeyntii ku yaacay Hantidii iyo Hoteeladii laga soo abaabulay Donald Trump oo dhawaan ku guuleeystay xilka Madaxtinimada dalka Maraykanka. Dadkaan ayaa ku dhawaaqayay ” Ha dhaco Donald Trump oo…

Read More

Xildhibaan Xasan Cawaale oo Ka Ag dhow Aqalka Madaxtooyada Oo Eedaymo culus u jeediyey Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha DAAWO

Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xasan cawaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada kana mida ah xisbiga kulmiye ayaa dhaliilo culus u jeediyey wasiirka ciyaaraha Somaliland, isagoo ku eedeyeyin wasiirka in uu hor istaagay koob uu sheegay xildhibaan cawaale in uu ugu talo galay kooxaha ciyaara kubada cagta. https://www.youtube.com/watch?v=lJPn-0Z_9Ck

Read More

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland & Dhakhaatiir Wehelisa Oo Daawayn u Fidiyey Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen Ee Gobolada Bariga Somaliland DAAWO

Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay Weheliyaan Xubno Dhakhaatiir ah ayaa Hawl galo Caafimaad iyo Taakulaba waxay Gaadhsiiyeen Dadka ay Saamaysay Xaaladan abaareed ee dalka ka Taagan. https://www.youtube.com/watch?v=3RgU67a9sZA

Read More

Dayaxa oo 68 Sanno Kadib Masaafadii Ugu Dhawayd Dhulka u Soo Maray,Sida Looga Dareemay Somaliland & Macnaynta Culimada Cilmiga Xidigaha

Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Bisha Safar (Labaad ee Hijriga) ayaa habeennimadii Axad/Isniinta lagu arkay ballaadh, qaro iyo iftiin aad uga ballaadhan intii looga bartay habeenadan ay caddadu dhammaystiranto. Waxa aanay khubarada cilmiga xiddigu ku tilmaameen in ay tahay dhacdo taariikhi ah oo dunida ay ugu dambaysay sannadkii 1948kii lana filayo in ay mar labaad…

Read More

“Hanaan si aad ah u abaabulan ayaa socda, aniga oo go’aan ka gaadhaya jagooyinka wasiirada iyo kuwa kale’ Donald Trump oo Ku Mashquulsan Soo Xulida Dawladiisa iyo Xubno ka dareeray

Washington 17. November 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa Mr. Trump waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay in wax walba ay u socdaan si hagaagsan. Waxa uu Madaxweynaha la doortay…

Read More

Dawlada Israa’iil Oo Dooneysa In La Dhimo Codka Aadaanka Masaajidada Ee Xiliga Salaadda

Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Hindisahan oo ay soo jeediyeen Kooxaha ilaaliya danaha dowladda, ayaa khatar ku ah xornimada diimaha ee Israel iyo dimoqraadiyaddu sheegato. Netanyahu ayaa sheegay in ay soo gaartey cabashooyin aad u badan oo uga imaanayey dadka Yuhuudda ah kuwaas oo dhibsadey dhawaaqa aadanka. Hindisan ayaan lagu sheegin dhamaan goobaha lagu cibaadeysto…

Read More

Sannad Guuradii 1aad ee Geeridii Weriyihii Caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke Horyaalkii Iyo Mucjisadii Warbaahinta Afka Soomaaliga 1947-2016

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Saacadihii hore ee Subaxii Salaasaad 17.11.2015 amin 8:30 Wax dheeryihiin ayaa Jilaaga Weyn ee Ibraahin Xaaji Asparoo igu salaamay, warka geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke, Intaan Dhegahayga rumaysan waayay ayaan u celiyey xagaad ka maqashay?, Adeer Internetkaa hada laga Sheegayey ayuu iigu Jawaabay. Waxaan Raadiye Xaqiiqda warkaa intaananse Cidkaleba Wax…

Read More

Soomaaliya: AMISOM oo Cadaado ku Toogtay Ninka ka mida Ergada Dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose

Cadaado 16, Noofamber, 2016-(SDN/QJ):-Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka ah  Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa maanta  toogtay nin ka mid ahaa Ergada wax dooraneysay eek u sugnaa Shirka ka socda magaladaas. Toogashadan ayaa dhacday xilli ay doorasho ka socotay  gudaha Madaxtooyada Galmudug, waxaana markii rasaasta la maqlay lagu kala dareeray goobta. Wariye ku sugan Cadaado…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘Murugada Waxaa Maydha Samo-Falka”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ka Hadlay Dheg Xumo Somaliland Markii 3aad kala Soo Deristay Shir Caalami ah oo Jarmalka lagu qabtay DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu Soo Noqday ayaa ka warbixiyey Natiijada uu ku soo dhamaaday Shir Caalami ah oo lagaga hadlayay Maalgashiga Somaliland oo ka dhacay Caasimada dalka Jarmalka ee Berlin. Shirkan Waxaa kale oo ka qayb…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Ka Hadlay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka S.land DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Waxaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Qalabka Warbaahinta haystay Khilaaf hor leh oo Soo Kala dhex Galay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa ahna Madaxweyne Ku Xigeenka haatan ee Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici.

Read More

Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Safiirka Turkiga u Qaabilsan Soomaaliya,Kuna dhawaaqday inay Dib u eegayso Dhex Dhexaadintii Turkiga ee S.land iyo Somalia DHAGAYSO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso doorka dawladda Turkigu ay ku leedahay wada-hadallada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar uu sheegay in muhiimadda dowladda Turkiga ay tahay wada-jirka iyo midnimada Soomaaliya. Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ahna ku-simaha…

Read More

‘’Caddaalad Daradii Aanu Kaga Tagnay Xisbiga Waddani Mid Kasii Darani Kulmiye ayay Taala ee Ogaada “Xoghayaha Garabka Toosinta ee Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Garabka Toosinta ee Xisbiga Waddani ayaa sheegay in sababta ay Garabkan u Sameeyeen inay la xidhiidho Kadib is faham-waa soo kala dhex galay Hogaanka Xisbiga Waddani Waxaanu sheegay in aanay Jirin Mawqif ay ku qaateen inay Galaan Xisbiga Kulmiye. https://www.youtube.com/watch?v=Hpd-rjXJhGk

Read More

“Aniga Waxaa I Tahriibiyey Nin Xandulle La Odhan Jiray Oo Ay Cabdiraxmaan Wada-shaqaysan Jireen, Cirro-na Gurigiisa (Moscow) Ayaan Ku Degay Oo Afar Maalmood Ayaan la Joogay”…..Gudd Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe sidoo kalena ah murashaxa madaxwayne ee xisbigaasi ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xoghayaha xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde kaasoo sheegay in Cabdiraxmaan Cirro uu Faysal Cali Waraabe tahriib ku galiyey dalka Finland, kadib markii uu ku degay gurigiisii Moscow ku yaalay. Faysal…

Read More

“Cirro oo ah Guddoomiyaha G/Sharci-dejinta, Waa Nasiib-darro in Waddani uu Sharciga ku dhiqi kari waayey..” Garyaqaan Cumar DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Garyaqaan Cumar Maxamuud Xuseen, ayaa ka hadlay waxa ay Sharciga dalka iyo Xeerarka Xisbiyada Somaliland ka qabaan Sharcinnimada Guddiga fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani sheegeen inay xilka iyo xubinnimada-ba kaga xayuubiyeen ama kaga qaadeen Guddoomiye Ku-xigeennadii koowaad iyo labaad ee Xisbigaas Axmed Muumin Seed iyo Faarax Maxamed Cabdulle…

Read More

“Saylici Intii Uu Joogay Dudmo Mooyee Diidmo Laguma Arag Waana Waxa Uu Siilaanyo Ku Doortay,Laakiin Waa in La Helaa Wixii ay Ku Kala Bixi lahaayeen Cirro & Muuse ” …….Mujaahid Xasan Guure DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Muj Xassan Guure oo ah gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka, ayaa ka digay in dalka laga qabto doorasho keenta in dalku yeesho laba madaxweyne, isagoo ka digay halista ka dhalan karta iyadoo natiijada lagu qanci waayo. Xasan Guure wuxuu walaacan muujiyay iyadoo ay dad badani arkaan olole siyaasadeed oo…

Read More